4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 16, 2014
JEN. GAAFOW: Dowladda Waxaan ka dalbayaa in laga hortago Cudurka Ebola


Sabti, Ogoosto 16, 2014 (HOL) — Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Somalia, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahah in dowladda Soomaaliya ay xoojiso howlaha garoonka diyaaradha Muqdisho si looga hor-tago cudurka Ebola.

Jen. Gaafoow ayaa sheegay in diyaarado fara badan sida dad badan ay dalka soo galaan maalin walba, kuwaasoo loo baahan yahay in baaritaanno lagu soo sameeyo intii aysan soo duulin diyaaradda, haddii kalena diyaaradaha ka imaanaya dalalka qaarkood la joojiyo.

“Afrika waxaa ka jira cudurka Ebola, sidaa daraadeed waxaan qoraallo ku aaddan arrintan u dirnay wasaaradaha caafimaadka, arrimaha dibadda iyo amniga si cudurkaas looga hortago, waayo cudurka ka hortag ayuu leeyahay ee ka daba-tag ma ahan,” ayuu yiri Jen. Gaafoow.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in dalka Sucuudiga ay maalin walbana diyaarado uga yimaadaan Soomaaliya, halkaasoo uu ka jiro fayrus isagana dilaa ah, marka inaan sugno gar ma ahan inta uu cudurkan inoo imaanayo.

“Dowladda Somalia waxaan ka dalbanayaa inay gacan siiso garoonka sidii looga hortegi lahaa cudurkan. Sidoo kale dalka Kenya oo maalin walba ay nooga yimaadaan diyaarado cabsi weyn ayaa looga qabaa cudurka Ebola, marka waxaan codsanayaa in laga hortago cudurkan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Taliyaha hoggaanka socdaalka ayaa intaas raaciyay inay ka joogaan Soomaaliya ciidammo dalalka uu cudurkan ka jiro, loona baahan yahay in la xoojiyo howlaha garoonka si aanu u soo gelin cudurkan Soomaaliya.

Hadalka Jen. Gaafoow ayaa imaanaya iyadoo cudurkan uu dad ka badan kun qof ku dilay dalalka galbeedka Afrika qaarkood, waxaan cudurkan lagu kala qaadaan taabashada.

Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa horay u sheegay inay dadaal weyn ugu jiraan sidii cudurkan uusan ku soo gaari lahayn Soomaaliya, iyadoo ay dunidu cabsi weyn ka muujisay cudurkan tan horraantii sannadkan markii uu ka dillaacay dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Gini.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya