4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 16, 2014
Ganacsiga Soomaalida Cape-town oo Maalintii Shanaad Cabsi ahaan u Xiran

Sabti, Ogoosto 16, 2014 (HOL) — Ganacsiyada Soomaalidu ay ku leeyihiin magaalada Cape-town ee dalka Koofur Afrika ayaa maalintii shanaad xiran, kaddib markii kooxo burcad ah ay maalmihii lasoo dhaafay boob ku hayay goobaha ganacsiga Soomaalida ee magaaladaas ku yaalla.

C/rixmaan Muuni oo ka mid ah Soomaalida ku nool Koonfur Afrika ayaa soo sheegaya in sababaha ay ganacsiga u xiran yihiin ay ka mid yihiin cabsi ay ka qabaan ganacsatadu in la boobo hantidooda.

“Sababaha ay ganacsiyada Soomaalidu u xiran yihiin waxaa ka mid ah cabsi ay ka qabaan in la boobo, waayo markii hore boobku wuxuu ka dhici jiray meelaha ka baxsan Cape-town, balse hadda magaalada gudaheeda ayuu ka dhacayaa boobka ganacsiyada loo geysanayo,” ayuu yiri Muuni.

Isagoo sii hadlaya Muuni ayuu sheegay inaysan jirin wax jawaab ka bixiyay dhibaatada lasoo daristay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkan ku nool oo tan iyo markii ay halkan yimaadeen la kulmayay dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira dhac, dil iyo dhaawacyo.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee Koonfur Afrika ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo madow ah ay boobeen dhowr dukaan oo ku yaalla Cape-town toddobaadkii lasoo dhaafay, inkastoo aysan dil geysan.

Gancsatada Soomaalida ayaa sidoo kale ku doodaya in xukuumadda dalkaas ka jirta iyo ciidamada booliisku aysan waxba ka qaban cabshooyin arrimahan ku aaddan oo ay dhowr jeer u gudbiyeen.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool ganacsato Soomaaliyeed oo aad u fara badan, kuwaasoo qaarkood lagu dilay gudaha dalkaas, mana jirto cid loo qabtay weli falalka dilalka iyo boobka ah ee loo geysanayo Soomaalida.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya