4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 16, 2014
Qaybtii Sadexaad Xildhibaanno ka Tirsan Federaalka oo Puntland soo Gaaray


Sabti, Ogoosto 16, 2014 (HOL) — Qaybtii saddexaad oo ka mid ah xildhibaannada kasoo jeeda deegaanada Puntland oo ka tirsan Baarlammaanka Somalia, ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Xildhibaannadan oo ay tiradoodu lix tahay waxay kasoo kicitimeen dhanka magaalada Nairobi.

Mas'uuliyiin ka tirsan goleyaasha wasiirrada iyo baarlammaanka ee Puntland ayaa wafdiga xildhibaannada kusoo dhoweeyey garoonka, waxaana intaas kaddib loosoo gudbiyey dhanka aqalka madaxtooyada, halkaasoo Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas uu ku qaabilay.

Madaxweynaha ayaa si diirran usoo dhoweeyey xildhibaannada isagoo uga mahadceliyey sida ay usoo ajiibeen codsigii horay loogu jeediyey ee ahaa inay deegaanadooda wada-tashi dib ugula soo noqdaan.

"Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan ku soo dhaweeyo xildhibanadayadii Dowladda Fadaralka noogu jiray qaybta saddexaad ee noo timo, waxana ay ka soo jawaaben codsigayagii" Madaxweyne Gaas ayaa sidaas yiri.

Xildhibaan Cali Ameeriko oo qayb kahaa wafdiga xildhibaanada ah ee maanta Garoowe soo gaarey, ayaa isna sheegay inay aad ugu faraxan yihiin kusoo laabashadooda Puntland islamarkaana ay aqbali doonaan go'aan kasta oo dadka iyo dowladda Puntland ay gaaraan.

Bishan Agoosto horraanteedii qaybtii ugu horreysay oo xildhibaano deegaanada Puntland kazoo jeeda oo ka tirsan baaralamaanka Soomaaliya ayaa soo gaarey magaalada Garoowe. Tiradoodu lix xildhibaan ayey ahayd, waxaana horkacayey Xildhibaan Xasan Abshir Faarax.

Bishan 10-keedii qaybtii labaad ee xildhibaano ah oo iyaguna afar ahaa ayaa soo gaarey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug. Xildhibaan Maxamed Xuseen Xagaafe ayaa hormuud u ahaa xildhibaannadaas.

Kaddib markii dhamaadkii bishii hore ee July [30/7/2014] magaalada Muqdisho lagu kala saxiixday heshiis lagu dhisayo goboleedka Gobollada Dhexe oo ka kooban Gal-guduud iyo Mudug, maamulka Puntland wuxuu shaaciyey in gebi ahaanba uu xiriirka u jaray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Maamulka Puntland wuxuu wada-tashi ugu yeeray dhammaan xubnaha ka soo jeeda deegaannada Puntland ee ku jira Dowladda Federaalka, kuwaas oo lagu amray in bishan Agoosto gudaheeda ay magaalada Garoowe isaga soo xaadiriyaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya