4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 16, 2014
Baydhabo oo laga furay jaamacadii ugu horreysay oo lagu baranayo Beeraha


Sabti, Ogoosto 16, 2014 (HOL) — Xaflad aad loosoo abaabulay oo ku saabsan furitaanka jaamacadda beeraha iyo xannaanada xoolaha ayaa maanta lagu qabtay iskuulka Al-xuneyn ee magaalada Baydhabo.

Munaasabadda furitaanka jaamacaddan ayaa waxaa ka qayb-galay xubno ka kala socday qaybaha bulshada sida, culummada, aqoonyahannada iyo sidoo kale haweenka, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen macallimiinta jaamacadda cusub ee beeraha iyo xannaanada xoolaha.

Barayaasha jaamacaddan ayaa waxay macallimiin ka ahaan jireen kulliyadii beeraha ee lafoole xilligii ay jirtay dowladdii uu hoggaanka u hayay marxuum Maxamed Siyaad Barre.

Cabdulqaadir Abuu oo ka mid ah macallimiinta jaamacaddan wax ka dhigi doona oo dalka dibaddiisa ka yimid ayaa sheegay in jaamacadda ay noqato jaamacadda ugu wanaagsan kuwa Geeska Afrika, waayo waxay nasiib u hashay buu yiri macallimiinta ugu wanaagsan Soomaaliya.

“Degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxay ka mid tahay deegaannada ugu wax-soo-saarka badan dalka, waana meesha ugu xoolo badan, sidaad daraadeed waa muhiim in laga furo kulliyadda xoolaha iyo beeraha,” ayuu yiri guddoomiyaha jaamacdda, Dr. Zubeer Sheekh Cabdi oo munaasabadda ka haddlay.

Mas’uuliyiinta ka socday shirkadda isgaarsiinta Hormuud gaar ahaan qaybta u qaabilsan xayeysiinta ayaa dadweynahii kasoo qayb-galey xafladda lagu furayay jaamacaddan u qaybiyay taleefoonnada gacanta ee Mobiles-ka loo yaqaan, kaddib markii ay weydiiyeen su'aalo aqoonta guud ah.

Hiiraan Online, Baydhabo