4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 16, 2014
Xarakada Al-shabaab oo laga qabsaday deegaanno ku tirsan Gobolka Hiiraan

Sabti, Ogoosto 16, 2014 (HOL) — Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo gacan militari ka hellaya kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa 24 saac ee la soo dhaafay is ballaarin ka sameeyay deegaanno iyo saldhigyo ay horay gacanta ugu hayeen Al-shabaab.

Deegaannada ay la wareegeen ciidamada is garabsanaya ayaa waxaa ka mid ah Ceel-cadde, Abeesaale, Baadi-keen, Buq-goosaar iyo Far-libaax oo dhamaantood horay ugu sugnaayeen xoogagga Al-shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo maalin ka hor dib ugu soo laabtay magaalada Beledweyne ayaa ku dhawaaqay in uu bilaabanyo howlgal guud ahaanba gobolka looga saarayo Al-shabaab, isaga oo sheegay in deegaannada laga saaray Al-shabaab ee gobolka ka tirsan ka jiraan xaalado dhinaca bani’aadanimada ah una baahan yihiin in sidda ugu dhaqsiyaha badan gargaar loola gaaro.

“Howlgalada waa ay sii socon doonaan ilaa inta deegaannada gobolka oo dhan laga saarayo Al-shabaab,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhaqan deegaannada Booco iyo Halgan oo saldhig u ah Al-shabaab ayaa HOL u sheegay in ay soo food saartay baqdin ay ka qabaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa AMISOM.

Howlgalka ciidamada oo si garabo siman ah uga socda ayaa la sheegay inuu yahay mid ku wajahan deegaannada ku hareereysan degmada Buula-burte si go’doominta looga qaado degmada oo ay Al-shabaab u diideen in ay gudaha u galllaan gadiidka xamuulka ah ee sidda shixnadaha kala gadisan.

Lama sheegin wax iska horimaadyo ah oo dhaxmaray ciidamada howlgalka ku jira Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya