4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 16, 2014
Xaad oo sheegay inay Shaki ka qabaaan hub-ka-dhigista ay Dowladdu Waddo


Sabti, Ogoosto 16, 2014 (HOL) — Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid wax-garadka Muqdisho ayaa sheegay in hub ka dhigista ay ka horreyso dib u heshiisiin iyo dadku ay is-aaminaan, isagoo tallaabada ay dowladdu hubka kaga dhigayso shacabka, siyaasiyiinta iyo hoggaamiye kooxeedyadii hore ku tilmaamay mid qaldan oo aan xiligan loo baahnayn in la sameeyo.

Xaad oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay inay ka qabaan shaki weyn barnaamijka hub ka dhigista, kaasoo ah in dad gaar ah lagu bartilmaameed-sanayo, isagoo ugu madaxda dowladda ugu baaqay inay ka dhaqan-gelin barnaamijkan dalka oo dhan, balse aan lagu ekeyn Muqdisho.

“Anigu waxaan qabaa in hub ka dhigista hadda socota ay tahay mid qaldan, wax la aqbali karo inay tahay u maleyn maayo. Dalka oo dhan ayaa hub ka dhigis u baahan, balse waxaa jirta dhawr tallaabo oo ka horreysa oo ay ka mid yihiin; in dadka is aamino, dowladda lafteeda la aamino,” ayuu yiri Xaad.

Sidoo kale, Xaad ayaa sheegay in hub ka dhigista ay ka horeyso arrimo ay ka mid tahay dib u heshiisin, isagoo wararka ay dowladda ka helayaan ay sheegayaan in dad gaar ah oo ay bartilmaameedsi ugu jirto, waana howl aan hub ka dhigis ahayn ee dad gaar ah lagu eeganayo.

“Waxaan qabaa in hub ka dhigistu ay cadaalad u dhacdo oo dalkoo dhan ay ka hir-gasho, waxaa is leenahay barnaamijkan armay u eg-tahay farsamo kale oo qaloocan, haddii ay tahayna wax badan ayay fashilin kartaa,” ayuu Xaad mar kale ku yiri wareysigiisa.

Hadalkan nabaddoonkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay shalay oo Jimco ahayd weerareen guri uu degenaa Axmed Daaci oo ahaa guddoomiyihii degmada Wadajir, iyadoo toddobaadkii hore ay ciidamadu weerareen Cabdi Nuurre Siyaad iyo xubno kale.

Xukuumadda ayaa horaantii bishan meel-marisay hindisaha xakameynta hubka sharci-darrada ah, qorshahaas oo uu wasiirada hordhacay wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg, inkastoo xubnaha baarlamaanka ay ku tilmaameen sharcigaas mid aan weli ansax ahayn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya