4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 16, 2014
Mid ka mid ah Soomaalida u dagaallama Kooxda Daacish oo lagu dilay Ciraaq


Sabti, Ogoosto 16, 2014 (HOL) — Mid ka mid ah Somalida dhawaanahan u dagaalamayay kooxda ISIS ama Daacish ee dalka Ciraaq ayaa lagu dilay dalkaas, kaasoo lagu magacaabi jiray, Maxamed Faarax Shirdoon oo uu adeer u ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

Wargeyska CBC News ee kasoo baxa dalka Canada oo uu Faarax ku noolaa ayaa daabacay in wiilkan uu afar bilood ka hor ku biiray kooxdaas laguna dilay dalka Ciraaq.

Sidoo kale, waaxda amniga ee dalka Canad ayaa sheegtay in warkan ay ka heshay xilli ay si weyn uga war-haysay xaaladda uu mar walba ku sugan yahay Faarax Shirdoon.

Ruux ay walaalo yihiin wiilkan Soomaaliyeed ayaa baraha ay bulshada iskula xiriirto ku qoray in kooxda ay shaacisay geerida wiilkan, inkastoo aanay jirin warar dheeraad ah oo ku saabsan geeridiisa oo uu ruuxan sheegay.

Kooxda Daacish ee ISIS ayaa waxaa dhawaanan si xowli ah ugu biirayay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka imaanaya dalal kala duwan ee calaamka ah si ay ugu dagaalamaan.

Dhallinyarada haatan kooxdan u dagaalamaysa ayaa waxaa ka mid ah wiil uu dhalay hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Somaliland, Faarax Cali Waraabe, kaasoo lagu magacaabo Xuseen Faarax Cali Waraabe.

Xuseen oo 22-jir ah ayaa sheegay inuu kasoo hijrooday dalka Finland si uu ugu dagaalamo Kooxda ISIS oo doonaysa inay dowlad Islaami ah ka dhisto dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Maydka Faarax ayaa la sheegay inay aaseen kooxihii uu u dagaalamayay oo u badan carab, kuwaasoo ugu baaqay dhallinyarada caalamka inay kasoo qaybgalaan dagaalka ay kula jiraan dowladaha Suuriya iyo Ciraaq.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya