FAAHFAAHIN: Dagaalkii ka dhacay Muqdisho iyo Axmed Daaci oo ka Hadlay
Jimco, Ogoosto 15, 2014 (HOL) — Tirada dadkii ku dhintay dagaal xooggan oo saakay ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sare u sii kacday, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan inay ku dhinteen 15-qof oo shacab iyo askar isugu jira ayna ku dhaawacmeen soddomeeyo qof oo kale.
Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay gurigii uu degmadaas ka degenaa Axmed Daaci, iyadoo sarkaal u hadlay dowladda uu ku sheegay hadal uu war-baahinta siiyay inay howlgalkii saaka kusoo qabteen hub fara badan.
Guddoomiyihii hore ee Wadajir, Axmed Daaci oo warbaahinta kula hadlay degmadaas ayaa sheegay in xaalku deggen yahay gurigiisiina ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo uu ku eedeeyay inay weerar qaawan kusoo qaadeen gurigiisa.
“Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa nasoo weeraray, waxaana ka dhashay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, waxaana ka mid ah shacabka deegaanka,” ayuu yiri Axmed Daaci oo intaas ku daray in dagaalka sidoo kale geystay khasaare hantiyeed.
Mar la weydiiyay halka uu ku sugan yahay ayuu sheegay inuu degmada ku sugan yahay, isagoo xaqiijiyay in gurigiisa ay ciidamada dowladdu gacanta ku hayaan, isagoo xusay inuusan garanayn sababta loo soo wararay cid la soo xiriirtayna aysan jirin.
Su’aal ahayd waxa u qorsheysan mar haddii gurigiisii lala wareegay ayuu kaga jawaabay: “Waxaa ii qorsheysan inaan xornimo ku noolaado ama aan dhinto.” Isagoo aan bixin faah-faahin intaas ka badan.
Dhanka kale, saraakiil ka tirsan hay’daha amniga dowladda ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid ka mid ah qorshayaasha ay xukuumadda Somalia ku doonayso inay ku sugto ammaanka Muqdisho.
“Ugu yaraan 14-qof ayaa ku dhintay howlgalkii saaka dhacay. Tani waa qayb ka mid ah qorshayaal ay xukuumaddu ku sugayso amniga Muqdisho,” ayuu yiri Mijir Cabdullaahi Faarax, isagoo intaas ku daray. “Dadku waxay haystaan hub sharci-darro, qaarkoodna waxay gabbaad u yihiin Al-shabaab.”
Dhaawacyadii ka dhashay dagaalka ayaa la dhigay isbitaalka Madiina oo lagu daweynayo, iyadoo dadka dhintay uu ku jiray wiil yar oo toddoba sano jir ah oo uu jiiray mid ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee ay wadatay AMISOM.
Ugu dambeyn, Axmed Daaci ayaa sheegay in xoogagii isaga u dagaalamayay ay ahaayeen dadka deegaanka ee uu horay guddoomiyaha ugu ahaa, iyadoo dagaalkan uu noqonayo kii ugu xoogga badnaa ee muddooyinka dhex-mara ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo xoogag taabacsan mid ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya