1/6/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 11, 2014
Hay’adda Culumada Somalia oo Sheegtay in Amniga Muqdisho uu Hagaagay


Isniin, Ogoosto 11, 2014 (HOL) — Hay’adda culummada Soomaaliyeed ayaa sheegtay in amniga Muqdisho uu aad u soo hagaagayo, iyagoo sheegay inay hoos u dhaceen falalkii ammaan-darro ee caasimadda ka dhici jirtay.

Afhayeenka hay’adda culummada, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay is-bedellada Xukuumadda Soomaaliya ay ka sameysay Muqdisho .

“Waxaan qirayaa maanta in wasaaradda Amniga Qaranka ay wax badan ka qabatay amniga Muqdisho, tan iyo markii la magacaabay wasiirka Khilaaf Erag in amniga Muqdisho laga dareemay isbedel weyn,” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Sidoo kale, afhayeenka hay’adda culummada wuxuu xusay in haddii howshu ay sidn kusii socoto uu isbedeli doono amniga Muqdisho oo bishii Ramadaan ahaa mid aad u xun oo dad badanna dilal loogu geystay.

Ereg oo xilka wasaaradda Amniga Qaranka loo magacaabay horraantii bishii July ee aynu soo dhaafnay, ayaa sheegay inuu xoogga saarayo sidii amniga Muqdisho uu u hagaajin lahaa, ugana hortegi lahaa falalka Al-shabaab ay ka geysanayso caasimadda.

Dhanka kale, ciidamada ammaanka dowladda ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay ka sameynayay Muqdisho howgallo lagu sugayo Amniga, iyadoo ay soo bandhigtay dhawaan wasaaradda amniga hub iyo dad ay ciidamadu soo qabqabteen.

Hadalka Sheekh Nuur Baaruud ayaa kusoo beegmaya iyadoo weerarradii ay Al-shabaab ka geysanaysay Muqdisho ay aad hoos ugu dhaceen, iyadoo ay dowladdu ku sheegtay isbedelkan mid ku timid howlgallo laga sameynayay Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya