4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 5 , 2014
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo Maanta ku kulmay Nairobi


Sabti, Abriil 05, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa maanta kula kulmay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyadoo waxyaabihii ay labada madaxweyne kawada hadleen ay ka mid ahaayeen dadka lagu xirxiray howlgallada magaalada Nairobi ka socda.

Danjiraha Somalia u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Ameeriko ayaa u sheegay VOA-da in labada madaxweyne ay ku heshiiyeen in la joojiyo howlgallada lagu qab-qabanayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi.

“Labada madaxweyne waxay ku heshiiyeen in dadkii maalmahan lagu soo qabqabtay howl-gallada ka socda Nairobi baaritaan lagu sameeyo, wixii sharci lehna la sii daayo, wixii sharci aan lahaynna lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Ameerika.

Sidoo kale, dajiraha Maxamed Cali Ameerika ayaa sheegay in dad ku dhow boqol ruux ay weli xabsiyada Nairobi ku xir-xiran yihiin, isla markaana uu rajaynayo in lasii daayo dhawaan, inkastoo uusan waqti cayiman sheegin.

Dowlada federalka Soomaaliya ayaa dadaal siyaasadeed u gashay sidii wax looga qaban lahaa xiisadda ka dhalaytay qaraxyo toddobaadkii hore ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay daggan yihiin dadka Sooamaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi.

Ciidamada Kenya ayaa markii ay qaraxyo ka dhacaan magaalada Nairobi waxay si toos ah u beegsadaan dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo ay ku sheegaan inay lug ku leeyihiin falalka qaraxyada ah ee Nairobi ka dhaca.

Xildhibaanada Soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka Kenya ayaa waxay Jimcihii la kulmeen ganacsatada Soomaaliyeed ee Nairobi ku nool, iyagoo kala hadlay sidii ay uga wada-shaqeyn lahaayeen ammaanka magaaladaas, iyaguna ay u howlgelayaan sidii Soomaalida xirxiran looga sii dayn lahaa xabsiyada.

Inkastoo labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay kawada hadleen sidii loo sii-dayn lahaa dadkii Soomaaliyeed ee lagu xirxiray Nairobi, ayaana haddana waxaa maanta ay ciidamada booliiska Kenya howlgallo ka sameeyeen isla xaafadda Islii oo ay ka qabqabteen tiro Soomaali ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya