4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 30, 2014
Dalka Brunei oo lagu soo rogay ku dhaqanka Sharciga Islaamka (WARBIXIN)


Arbaco, Abriil 30, 2014 (HOL) — Boqorka dalka Brunei ayaa lagu soo rogay ku dhaqanka shareecada Islaamka, kaddib wareegto uu soo saaray boqorka, taasoo lagu sheegay in lagu xukumi doono dalkaas sharciga Islaamka.

Sharcigan ayaa la sheegay inay qayb ka yihiin dadka tuugada ah laga jaro gacmaha, halka kuwa horay guur u soo maray ee sineysta iyana lagu dili doono dhagax.

Qorshaha ayaa lagu dhawaaqay sannad ka hor, laakiinse hadda ayuu boqorku si cad ugu dhawaaqay in xukunka dalkaas uu noqon doono mid lagu hago shareecada Islaamka.

Sidoo kale, sharcigan cusub ayaa dhigaya in qofka tegi waayo salaadda Jimcaha la ganaaxi doono ama la xiri doono. Waxaana dalkan oo u yaalla Qaaradda Aasiya uu noqonayo dalkii ugu horreeyay oo ku dhawaaqa in diinta islaamka la isku xukumi doono.

Dhaqan-galka qaybta labaad ee sharcigan ayaa waxaa ka mid ah in dadka qamriga caba la karbaasho, iyadoo boqorka dalkaas, Xaaji Xasan Bolkiah uu sheegay in sharcigan uu yahay mid ka yimid dhanka Alle.

"Maanta... waxaan uga mahadcelinayaa Ilaaha Qaadirka ah inaan si rasmi ah ugu dhawaaqo in berri oo Khamiis ah 01-da May, wixii ka dambeeya lagu maamuli doono Brunei shareecada Islaamka, waxaana la fulin doonaa wajiga koowaad ee sharcigan, wajiyada kalena la raacin doono,” ayuu yiri boqorka Brunei.

Go’aankan ayaa waxaa soo dhaweeyay Muslimiinta dalkaas ku nool, iyadoo ay kasoo horjeedeen kuwa aan muslimka ahaynna ay kasoo horjeesteen, balse markii dambe way aamuseen, kaddib markii uu boqorku ugu hanjabay inuu ciqaabi doono.

"Aragtida dhigaysa in sharciga Ilaah uusan ahayn mid cadaalad ah waa mid aad looga xumaado, waayo Alle isaga ayaa sheegay in sharciga Islaamka uu yahay mid caddaalad ah," ayuu boqorku hadalkiisa ku daray.

Xafiiska xuquuqda aadanah u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa durba ka muujiyay walaac xukunka dhagax ku dilka ah uu ka horimaanayo shuruucda caalamiga ah, uuna la mid yahay jir-dilka iyo ciqaabaha kale ee ka baxsan bani’aadamnimada.

Saraakiisha Brunei ayaa sheegay in kiisaska sababi kara ciqaabaha noocan oo kale ay u baahan yihiin in culays weyn la saaro lana helo caddeymo iyo garsoorayaashii xukunka ridi lahaa si looga fogaado in si khalad ah qof loo ciqaabo.

Boqorka Brunei ayaa ka digay dacaayadaha lagu baahinayo baraha Internet-ka, kuwaasoo uu ku sheegay inay yihiin kuwo lagu xumeynayo muuqaalka guud ee Islaamka.

Dadka ku nool dalka Brunei ayaa shacabkiisu 70% yihiin Muslim kasoo jeeda Malay, halka 15% ay yihiin dad aan Muslim ahayn oo kasoo jeeda Shiinaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya