4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 30, 2014
Barakacayaasha Laascaanood oo codsaday in lagu celiyo deegaannadoodii


Arbaco, Abriil 30, 2014 (HOL) — Qoysas tiradoodu tahay 350 oo barakac ahaan muddo ugu noolaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa markii ugu horreysay dalbaday in dib loogu celiyo deegaannadii ay markii hore kasoo barakaceen ee Koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Sool, Maxamed Faarax Aadan ayaa wasaarrada dib u dejinta ee Somaliland iyo hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR inay ka geystaan gacan sidii barakacayaashan dib loogu celin lahaa deegaannadii ay markii hore kasoo barakaceen.

“Xaaladda barakacayaaha oo markii horeba ahayd mid aad u xun ayaa waxaa ugu darsamay abaaraha iyo biyo la’aanta ka taagan Laascaanood oo ay sannado badan ku noolaayeen,” ayuu guddoomiyuhu yiri.

Sidoo kale, isu-duwaha wasaarada dib u dejinta Somaliland ee gobolka Sool, C/llaahi Axmed Xasan ayaa sheegay inay diiwaan-geliyeen 350-qoys oo si is-kood ah u doonaya inay dib ugu laabtaan gobolladii ay kasoo barakaceen, isagoo intaas ku daray inay jiraan kumannaan kale oo barakacayaal ah oo weli ku sugan magaaladaas.

Barkacayaashan ayaa codsaday in dib loogu celiyo gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose oo ay markii hore ka yimaadeen, iyagoo muddo 20-sano ah ku noolaa xerooyinka ku yaalla magaalada Laascaanood.

Codsiga kasoo yeeray barakacayaashan ayaa imaanaya iyadoo xaalado aad u daran oo dhinaca biyaha ah ay ka taagan yihiin degmada Laascaanood oo ah xarunta gobolka Sool iyo deegaannada kale ee gobolkaas.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool