4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 30, 2014
Siilaanyo oo la kulmay koox ka Shaqaynaysa Aqoonsi Raadinta Somaliland


Arbaco, Abriil 30, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay koox ka socota Koonfur Afrika, kuwaas oo Somaliland kala shaqayn doono hawlaha Ictiraaf raadin iyo sidii Somaliland uga mid noqon lahayd Caalamka.

Siilaanyo ayaa uga mahad celiyey imaantinka weftigan iyo ka gacan gaysashadda qadiyada madax banaanidda Somaliland,waxaanu sheegay inay weftigani diyaar u yihiin inay si weyn ugu ololayso sidii Somaliland u noqon lahayd qaran madax banaan.

Kulankaasi ka dib waxa wasiirka Arrimaha Dibadda iyo hogaamiyaha weftiguba si wada jir ah uga hadleen imaanshiyaha Somaliland iyo kaalinta ay ka qaadan karaan inay Somaliland caalamka ka hesho Ictiraaf.

“Waxaa maanta halkana noogu yimid wefti balaadhan oo markii ugu horeysa ahayn intooda badan, balse dhawr jeer oo hore dalka yimid, waxaana ka wada hadalnay sidii Somaliland looga caawin lahaa Ictiraaf raadinta taas oo ay aqoon badan  u leeyihiin iyo dariiqyadda loo maro, maadaama oo ururo caalami ah ka soo shaqeeyeen”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi.

Sidoo kale, xubanah weftigan ayaa sheegay inay dhawr jeer oo hore dalka yimaadeen, isla markaana ay arkeen horumarka balaadhan ee ka socda iyo sida ay muhiim u tahay in la aqoonsado, waxaanu sheegay inay la kulmeen dadweynaha iyo ururadda bulshadda Somaliland.

“Sannadkii 2003-dii ayaan imid dhawr jeerna waan kusoo noq-noqday, waxaana mudadaasi Somaliland ka jira horumar, waxaana kala shaqayn doonaa sidii Beesha Caalamku ictiraaf u siin lahayd”ayuu yidhi hogaamiyaha Weftiga Gariik mall.

Dhinaca kale, Dawlada Turkiga ayaa deeq gawaadhi  noocoodu yahay Unbalance ama kuwa Cusbitaalada loogu adeego gaar ahaan kuwa Gurmadka Degdega ah oo ka kooban 5 Unbalance iyo laba gaadhi oo kala ah V8 iyo Gaadhi Mine-Buss ah  ku wareejisay  Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa kala wareegay gaadiidkan dawlada Turkiga ee Somaliland ugu deeqeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland