4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 30, 2014
Maamulka Galgaduud oo Gargaar dalbaday iyo Howlgallo Amni oo billowday

Arbaco, Abriil 30, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Galgaduud ayaa dowladda Somalia ka codsday inay gargaar lasoo gaarto dadkii ku barakacay colaaddii u dhexeysay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM iyo Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Galgaduud, C/xakiin C/llaahi Warsame ayaa sheegay inay xaalad bini’aadannimo oo aad u daran ay ka jirto deegaannada ay ku sugan yihiin dadkii ku barakacay dagaalladii lagu qabsaday degmada Ceel-buur iyo deegaanno kale oo gobolkaas ka tirsan.

“Dowladda Soomaaliya waxay horay u ballan-qaadday inay kaalmmo gaarsiin doonta dadkaas, wax gargaar ah oo illaa hadda ay dadkaasi heleenna ma jirto, marka waxaan ka codsanaynaa dowladda inay dadkaas gargaar la gaarto,” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Galguduud.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay inay dadka u baahan yihiin in la gaarsiiyo gurmad biyo ah, raashin iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, isagoo codsaday in gargaarka si dhaqso ah ay dowladdu ula soo gaarto.

Hadalkan mas’uulkan ayaa imaanaya iyadoo wasiirka arrimaha gudaha uu shalay u sheegay xildhibaannada baarlmaaanka inay jiraan mas’uuliyiin gargaarka ay u dirto dowladda gobollada iyo degmooyinka dalka ay leexsadaan mas’uuliyiin aanu sheegin.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Dhuusa-marreeb ee gobolka Galguduud, C/raxmaan Cali Maxamed (Geedo-qorow) ayaa sheegay inay billaabeen howgallo ay looga hor-tagayo in xoogagga Al-shabaab ee kasoo baxay deegaannada ay dagaalladu ka socdaan ay soo dhexgalaan bulshada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la hayo macluumaad muujinaya in qof kasta oo ka mid ah Al-shabaab uu ku howlan yahay sidii uu u heli lahaa deegaan uu ku dhuunto, isagoo dadweynaha ka codsaday inay ka feejignaadaan in lagu dhex-dhuunto.

Ugu dambeyn, C/raxamaan Geedo-qorow ayaa shacabka ku nool xeryaha lagu barakacay ka dalbaday inay iska ilaaliyaan khatarta xoogagga Al-shabaab ee ka imaanaya deegaannada ay dagaalladu ka socdaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya