4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 30, 2014
Gabdhihii ardayda ahaa ee lagu afduubay Nigeria oo la sheegay in la iibiyay


Arbaco, Abriil 30, 2014 (HOL) — Iyadoo warbaahinta caalamka ay tabinaysay gabdhihii ardayda ahaa ee dhawaan laga qafaashay iskuul ku yaalla Nigeria ayaa laga iibsaday rag si khasab ah ku guursada.

Warbaahinta dalka Nigeria ayaa shaacisay in gabdhahaas kooxdii qafaalatay in hadda lagu haysto meel aan la shaacin, hase ahaatee waxaa la tuhunsan yahay in gabdhahaan loo gudbiyay dalalka Kaamiruun iyo Jaad oo daris ah Nigeria.

Sida lagu daabacay wargeyska Daily Mail ayaa muujisay in gabar walba oo ka mid ahayd gabdhahaas oo boqlaal ahaa lagu iibiyay lacag gaaraysa 2,000 oo lacagta Nigeria ah, una dhiganta sideed Pound oo lacagta Ingiriiska ah.

Mid ka mid ah odoyaasha dhaqanka dalka Nigeria ayaa u sheegay wargeyska Daily Mail in gabdhahaas ardayda ahaa si qasab ah lagu guursaday iyadoo aan wax meher ah la siin; kuwa kalena lagu shaqaysto iyadoo aan mushaar la siin, isagoo ku eedeeyay falkaasi kooxo Boko Haram ee dalkaas ka dagaalnta.

Sidoo kale, wargeyska The Times ayaa isna qoray in dadka deegaanka ay kasoo xigatay in dhulka hawdka ah lagu iibinayo gabdhahaas oo da’doodu u dhaxayso 16-sano illaa 18-sano.

Gabdhahan ayaa waxaa laga qafaashay 14-kii bishan dugsi sare oo ay wax ka baranayeen kaasoo ku yaalla waqooyiga dalka Nigeria, iyadoo dowladdu ay ku sheegtay war ay soo saartay in qaar ka mid ah gabdhahaas la badbaadiyay.

Kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria ayaa goor sii horreysay sheegatay inay iyadu qafaalatay gabdhahaan oo tiradoodu ka badnayn 200, balse kooxdu weli kama aysan hadlin in gabadhahaas ay iibsadeen iyo in kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya