4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 30, 2014
Dibadbax roob-doon ah oo lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee G/Hiiraan


Arbaco, Abriil 30, 2014 (HOL) — Xili labadii todobaad ee ina dhaafay biyo la’aan daran laga soo sheegayay deegaanno ka tirsan bartamaha Somalia, meelaha qaarna la sheegay in ay jiraan dadka haraad awgii u geeriyooday ayaa waxaa maanta magaalada Beledweyne lagu qabtay dibadbax roob doon ah oo ay ka soo qeyb-galleen boqolaal dadweyne ah.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa ka mid ahaa dadkii isku soo baxa ka qeyb-gallay oo sidoo kale ay  ka mid ahaayeen ardeyda wax ka barta dugsiyada magaalada Beledweyne, waxaana labo rakco oo Sunna ah si wada jir ah loogu oogay gudaha dugsiga Mujamac  Ex- Xerradii hore ee daraawiishta oo ay dadku iskugu soo urureen.

Sidoo kale, ugaaska oo la hadllay ka qeyb-gallayaasha dibadbaxa ayaa marka hore ku booriyay  guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in la is cafiyo si wada jir ahna Alle loogu laabto, isaga oo sheegay dhibaatooyinka xiligan jira yihiin kuwo leysku Imtixaanayo, loona baahay yahay looga gudbo Alle bari iyo is cafis.

“Waxaan rabaa in aan is xasuusino marka hore in aan si wada jir ah Alle ugu laabanno, wax yaabaha dhacaya oo idil waa Imtixaan, waxa kaliya ee looga gudbi karana waa in Alle loo noqdo oo baryadiisa la badiyo leysna cafiyo,’’ ayuu yiri Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa laga soo sheegayaan biyo la’aan darran oo saameyn adag ku yeellatay dadka iyo duuniyada intaba, waxaana xusid mudan in meelaha qaar la sheegay in ay haraad u dhinteen dad ay curuur ka mid ahaayeen.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa Alle ka baryay in uu umaddiisa ka dul-qaado dhibaatada islamarkaana siiyo roob kheyr qaba oo aan dhibaato geysan kuna diirsadaan dadka iyo duuniyada intaba.

Isku soo baxyo roob doon ah ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxaa ay ka jireen deegaanno ka tirsan gobollada dhexe Soomaaliya, kadib xaalad adag oo soo food saartay dadka reer miyiga ah oo ku nool deegaanno ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya