4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 30, 2014
PROF. JAWAARI: “Baarlamaanka waxaa horyaalla howlo fara badan oo adag”

Arbaco, Abriil 30, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta sheegay in baarlamaanka ay horyaallaan howlo adag oo ugu horreeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah in dalka uu gaaro meesha la higsanayo oo ah in dalkan ay ka dhacdo doorasho marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in howlahaas ay ugu horreeyaan federaaleynta, sameynta xeerarka asxaabta siyaasadda iyo dhisidda guddiyada madaxa-bannaan ee dastuurka.

“Waxaan doonaynaa in arrimaha yaryar aan dhameynno oo aan u jeesanno sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaamka federaalka, asxaabta siyaasadda waddanka, doorashooyinka, dib u eegista dastuurka iyo sameynta guddigii madaxa-bannaan ee dastuurka,” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa ka dalbaday xildhibaannada golaha baarlmaaanka inay u guntadaan sidii lagu hirgelin lahaa howlahaas, isagoo xusay inuu kala hadlay wasaaradaha inay soo gudbiyaan sharciyada arrimahan ku aaddan.

“Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa iga ballanqaaday inuu maalmaha soo socda keenayo baarlamaanka fududeynta howlahaas,” ayuu mar kale yiri Jawaari oo ku daray hadalkiisa in howlahan ay yihiin kuwo culus oo xildhibaannada sugaya.

Dhanka kale, waxaa maanta lasoo gaba-gabeeyay su’aalo weydiinta wasiirrada arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya iyo Amniga Qaranka, kuwaasoo hor-tagayay baarlamaanka Soomaaliya saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax ayaa daqiiqadaha uu ka hor-hadlayay baarlamaanka Somalia waxay noqdeen 270-daqiiqo, isagoo ka jawaabay su’aalo u badnaa sameynta maamulada gobollada iyo degmooyinka dalka.

Maalinta Sabtida ahaa ayaa waxaa lagu wadaa in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu hortago golaha baarlamaanka Somalia si uu uga warbixiyo howlaha dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya