4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 30, 2014
Heshiiskii ay Dowladdu la gashaya FAVORI oo Sharci-darro lagu Tilmaamay


Arbaco, Abriil 30, 2014 (HOL) — Guddiga gaadiidka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tilmaantay sharci-darro heshiiskii ay dowladdu la gashay shirkadda FAVORI LLC oo laga leeyahay dalka Turkiga, haatanna wadda dib u dhiska garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuuboow  oo madax u ah guddiga gaadiidka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska ay xukuumaddu horay ula gashay shirkadda FAVORI LLC inuu yahay mid sharci-darro oo ka horimaanaya sharciyada dalka.

“Heshiiska ay xukuumaddu Soomaaliya la gashay shirkadda FAVORI waa mid ka horimaanaya qodobbada sharciyada dalka qaarkood, waana inay xukuumaddu si dhaqso ah ku horkeento baarlamaanka heshiiskaas,” ayuu yiri Dhuuboow.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay ka baaraan-dagto dib u dhiska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Hadalka xildhibaankan ayaa imaanaya iyadoo shirkadda FAVORI ay waddo dib u dhis iyo casriyeyn ay ku hayso garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo sannadkii hore kala wareegtay maamulka garoonka shirkaddii horay u maamulaysay oo lagu magacaabi jiray SKA Air & Logistic.

Wasiirkii hore ee warfaafinta iyo gaadiidka Soomaaliya, C/llaahi Ciil-mooge Xirsi oo baarlamaanka hortagay sannadkii hore ayaa sheegay in shirkadda FAVORI ay casriyeynayso garoonka diyaaradaha Muqdisho, haddii ay muddad ay qabsatay ay howsha ku dhameyn waydana ay heshiis kale la galayaan shirkad kale oo dib u dhista garoonka.

Lama oga go’aanka ay xukuumadda Soomaaliya ka qaadanayso eedeynta uga timid xukuumadda Soomaaliya, iyadoo shirkaddan ay dhisme ka waddo gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya