4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 30, 2014
Ciidamada Itoobiya oo xiray xarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya

Arbaco, Abriil 30, 2014 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa ku xiray degmada Luuq ee gobolka Gedo, Diyaad Cabdi Kaliil oo ka tirsan sarkiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo.

Mas’uul ka tirsan ururka Ahlusunna Waljamaaca oo ku sugan Gedo oo ay warbaahintu soo xigatay ayaa sheegay in Diyaad Cabdi Kaliil uu u xiran yahay ciidamada Itoobiya ee gobolkaas ku sugan.

Sidoo kale, mas’uulkan ka tirsan Ahlusunna ayaa shegay in ciidamada Itoobiya ay sidoo kale xireen maanta maxkamaddii degmada Luuq, isagoo aan sheegin sababaha ka dambeeyay in la xiro maxkamadda iyo sarkaalkan.

Tallaabada ay ciidamada Itoobiye ku xireen Diyaad Cabdi Kaliil ayaa kusoo beegmaysa xilli dhawaan ay cidamada Itoobiya xireen mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunnada ku sugan gobolka Galguduud.

Xubnahan ka tirsan ururka Ahlusunnada gobollada dhexe ayaa toddoba ka mid ah oo uu ku jiro wariye ka howlgala gobolka Galguduud waxay haatan ugu xiran yihiin degmada magaalada Jig-Jiga ee ismaamulka Somaalida Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa horraantii sannadkan ku biiray howlgalka AMISOM ee hoostaga Midowga Afrika, iyagoo gobolladaas kawada howlgallo ay kula dagaalamayaan Xarakada Al-shabaab.

Maamulka gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin xariga ay ciidamada Itoobiya u geysteen Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa maamulka gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya