4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 30, 2014
Real Madrid oo Final u soo baxday iyo Chalsea oo Caawa ku aaddan A. Madrid


Arbaco, Abriil 30, 2014 (HOL) — Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay  inay final-ka ku sugayaan Atletico Madrid ama Chalsea midkood kii caawa soo badiya, waxaana ciyaar ka dhacday garoonka Arena ay uga awood sheegteen kooxda Bayern Munich,iyadoo  Real ay ku soo baxday natiijo dhan 5-0 labadii lug ee la wada ciyaaray.

Daafaca kooxda Real Sergio Ramos ayaa gool lama filaan ahayd ka dhaliyay Bayern daqiiqadii 16-aad ka dib koorno uu soo qaaday Luka Mudric ,iyadoo isla afar daqiiqado ka dib uu Ramos labaystay daah-furkiisi goolasha ee kulankii xalay ciyaarta oo maraysa 20-daqiiqo.

Xiddiga kooxda Real Madrid Ronaldo  oo dhigtay rikoor cusub oo gool dhalinta Yurub ah ayaa goosha sedexaad u dhaliyay kooxdiisa ,ka dib baas uu ka helay Greth Bale  kubad weerar celis ahayd oo shabaqa Bayern lagu soo weeraray.

Wiilasha Guardiola dadaal badan oo ay sameeyeen uma suurtagalin inay qaybtii hore soo tab-taan shabaqa Real Madrid ,waxaana jiray isku dayo badan oo ay sameeyeen laaciibiinta kala ah Ribery iyo Roben oo labada garab ee Bayern ka ciyaara,waxaana lagu kala nasatay qaybtii hore 3-0.

Inkastoo qaab ciyaareed wanaagsan ay ku jirtay kooxda Bayern ayaa hadana ciyaarta waxaa hurdo u diray Ronaldo daqiiqadii  90-aad ka dib laad xor ah oo loo dhigay goolka agtiisa ,waxana uu shabaqa ku laaday kubad taraarax ah oo joog hoose ku socotay ,taasi oo ka dhigan in Real ay gaartay finalkii 13-aad.

Dhinaca kale kulan aad u xiisa badan ayaa caawa dhexmari doona kooxaha Chalsea iyo Atletico Madrid oo lugtii hore aan wax goolal ah iska soo dhalin, waxaana labaduba ay fursado u haystaan in ay gaaraan Finalka koobkan,iyadoo lagu ciyaari doono guriga Chalsea.

Atletico ayaa soo garaacday seddex kooxood oo hore u soo hantay Champions League markii ay soo gaarayeen wareega afar dhamaadka, waxa ay soo garaaceen Porto, AC Milan iyo Barcelona,waana tan muujinaysa awoodda ay ku garaaci karaan Chalsea.

Laacibiinta kala ah Hazard iyo Eto ayaa lagu wadaa in kulanka lagu soo bilaabo, waxaana ay ka maqnaayeen kulankii axadda ay Chalsea la yeelatay Liverpool halka Atelitco Madrid uu ka maqnaan doono kabtankooda Gabi oo ku ganaax ku maqan  ,waxaana badali doona Tiago.

Chelsea lagama badinin 16-kii kulan ee ugu danbeysay ee ay koox Isbaanish ah kula ciyaareen Champions League. Guuldaradoodii ugu danbeysay waxa ay ka soo gaartay Barcelona ciyaar ka dhacday Stamford Bridge bishii Febraayo 2006-dii.

CHELSEA: Schwarzer; Azpilicueta, Cahill, Terry, Ivanovic; Ramires, David Luiz; Hazard, Oscar, Willian; Eto’o

ATLETICO MADRID: Courtois; Luis, Miranda, Godin, Juanfran; Villa, Suarez, Koke, Tiago, Garica; Costa

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]