4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 30, 2014
Madaxweyne ku-xigeenka PL oo Garoowe ku qaabilay madaxa Hay'adda ILO

Arbaco, Abriil 30, 2014 (HOL) —Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka madaxweynaha C/xakiim C/laahi Camey ayaa maanta madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey madaxda xafiiska Hay'adda Shaqaalaha Caalamka (ILO) ee Soomaaliya Paul Crook.

Kulanka oo muddo saacad ku dhow qaatay, waxaa looga wada hadlay arrimo ay ugu muhiimsanayd dardar gelinta mashaariicda ay hay'addaasi Puntland ka waddo oo ay kamid yihiin: dhismaha jidadka, tababarka shaqaalaha dowladda iyo weliba sidii dhallinyarada Puntland xirfado loo bari lahaa shaqooyinna loogu abuuri lahaa.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa uga mahadceliyey Paul Crook booqashada uu xilligan Puntland kusoo gaarey, wuxuuna sidoo kale hay'adda ILO ku ammaanay howlaha ay Puntland ka waddo isagoo dhanka kale codsaday in ILO ay sii dardar geliso mashaariicda ay ka wado Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Madaxa ILO ee Soomaaliya ayaa isna sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay booqashada uu kusoo gaarey Puntland iyo weliba sida diirran ee magaalada Garoowe loogu soo dhoweeyey. Paul Crook ayaa sheegay in Hay'adda Shaqaalaha Caalamku ay sii wadi doonto howlaha ay ka waddo Puntaland.

ILO waxay kamid tahay ururro badan oo caalami ah kuwaas oo xafiisyo kuleh dhammaan qaybaha Soomaaliya islamarkaana mashaariic badan ka fuliyey deegaano ay Puntland kamid tahay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya