4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 30, 2014
Dhallinyaro Soomaali iyo Kenyan ah oo ka shaqeynaya Ammaanka Nairobi

Arbaco, Abriil 30, 2014 (HOL) — Dhallinyarada Soomaali iyo Kenya ah ayaa la sheegay inay isku af-garteen inay si wadajir ah uga shaqeynayaan amniga magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafadda Islii oo ah meesha ay daggan yihiin Soomaalida ugu badan ee Nairobi ku nool.

Taliyaha amniga deegaanka Kamakunji oo ay Islii ka mid tahay, Poulo Inkunja ayaa warbaahinta dalkaas u sheegay in dhallinyaradan howl aad u wanaagsan ka qaban karaan ammaanka haddii ay is-kaashadaan.

“Dhallinyaradu waxay ka shaqeyn karaan ammaanka haddii ay si wadajir ah u shaqeeyaan, waayo iyagaa garan kara kan dhibaatada wada iyo midka aan wadin, waana taas tan ugu fiican ee ammaanka lagu sugi karo,” ayuu yiri Inkunja oo ku hadlayay afka sawaaxiliga.

Sidoo kale, taliyaha ayaa ka dalbaday dhallinyaradan inay howsha wadajirka ah si wanaagsan u qabtaan, ayna ka shaqeeyaan sidii ammaanka xaafadda Islii iyo guud ahaan magaalada Nairobi uu u noqon lahaa mid la isku halleyn karo.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ciidamada amniga Kenya ay Somali badan ku xirxirneen afartii toddobad ee ugu dambeeyay magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay qayb ka yihiin ammaan-darrada ka jirta caasimadda Kenya.

Soomaalida lagu qabqabtay howlgalladaas ayaa qaarkood weli ku xir-xiran xabsiyada Nairob iyo garoonka kubadda cagta ee Kasarani, iyadoo laga soo sheegayo dhibatooyin xooggan oo haysta maxaabiistaas oo intooda badan ay yihiin Soomaali.

Dowladda Kenya ayaa soo masaafurisay 173-qof oo Soomaali ah oo ka mid ahaa kuwii ku noolaa xaafadda Islii ay ciidamadu qabteen, kuwasaoo isugu jiray dumar, rag, waayeel iyo caruur.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo sababay inay dhibaataan dad rayid ah, kuwaasoo ciidamada booliisku ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen Soomaalida ku nool xaafadda Islii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya