4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 30, 2014
GOODAX: “Waxaa jira mas’uuliyiin leexsada Gargaarka ay dowladdu dirto”

Arbaco, Abriil 30, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa xusay inay jiraan mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo leexsaday raashin gar-gaar ahaa.

C/llaahi Goodax ayaa sheegay in dowladda ay joojisay gar-gaarkii ay u diri lahayd degmooyinka; kaddib markii ay ku aamini waayeen mas’uuliyiinta maamulladaas, isagoo xusy inay dhacday marar badan inaan loo gaarsiin dadkii gargaarka loo diray sidii loogu talo-galay.

"Waxaa jira dad mas'uuliyiin ah oo lunsaday gar-gaarkii loogu talo-galay in lagu caawiyo dadka dhibaateysan, waxaa dhacday raashin gar-gaar oo kal hore loo dilay gobollada Bay iyo Bakool intiisa badan ay leexsadeen, inaguna waan kasoo celinnay waxaa loo diray Shabeellaha Dhexe oo ay xaalado aad u daran oo dhinaca bani'aadanimada ahi ka taagnaayeen," ayuu yiri Goodax.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha ayaa xusay inay ku wareejin doonaan gargaarkas xildhibaankii qaadaya mas'uuliyadda raashinkas gargaarka ah oo gaarsiinaya dadkii loogu talo-galay gaarsiiyo, ayna kula xisaabtami doonaan.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa hadalkan sheegay mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd sababta ay dowladdu gaarsiin waday gargaarka ay ugu talo-gashay deegaannada ay dhibaatada nololeed ka jirto oo xildhibaannno ka tirsan baarlamaanka ay weydiiyeen Talaadadii shalay.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo ay horay u soo baxayeen warbixinno sheegaya in mas’uuliyiinta maamullada degmooyinka ay lunsadaan deeqaha loogu talogalay dadka deegaannadooda ku dhibaateysan.

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa inay mar kale wasiirrada arrimaha gudaha iyo federaalka iyo wasiirka Amniga ay hortagaan barlamaanka si loo weydiiyo su’aalo kale oo la xiriira howlahooda shaqo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya