4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 30, 2014
Somaliland oo Sheegtay in ay Puntland kala Hadashay Xiisadaha Dhuleed

Arbaco, Abriil 30, 2014 (HOL) — Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka dhawaajisay inay Puntland kala hadashay dajinta xiisdaha dheleed ee ka jira gobollada Sool iyo Sanaag oo ay labada maamul isku hayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hhargeysa ayaa sheegay in ay kulan ku saabsan sidii loo dajin lahaa xiisadaha dhinaca dhulka ah ee u dhexeeya maamulkiisa iyo kan Puntland ay magaalada Adiss Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kula yeesheen madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali (Gaas).

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in lagu dhameeyo wadahadal xiisadaha dhuleed ee kala dhexeeya Puntland, isla markaa xuduudaha maamulka Somaliland ay ku qanciyeen madaxweyne Gaas.

“Annaga iyo madaxweynaha Puntland waxaan kawada hadalnay dhameynta xiisadaha ka jira gobollada Sool iyo Sanaag; waxaana isla garannay inaan ku dhameyn wax walba oo jira wadahadal iyo nabad, waxaana u sheegnay in dhankeenna aanan marnaba doonayn colaad, madaxweynuhuna arrintaas wuu soo dhaweeyay,” ayuu yiri Biixi. Isgaoo intaas ku daray: “Waxaanu u sheegnay in Somaliland xuduudaheeda aysan ahayn kuwo lagu xad-gudbi karo; waxaana rajeyneynaa inuu dhammaado Khilaafkaas,” ayuu yiri Biixi.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa hadalkiisa raaciyay in iyaga iyo Puntland ay ahaayeen markii Hore labo maamul oo kawada shaqeeya amniga iyo daris-wanaagga; haddana ay Somaliland waajib ku tahay inay hagaajiso darisnimada kala dhaxeysa maamulka Puntland.

Ma jiro hadal arrintan ku saabsan oo kasoo baxay illaa hadda maamulka Puntland oo uu xifaaltan iyo dhinaca dhulka ah kala dhexeeya mamaulka Somaliland oo ay daris yihiin.

Somaliland ayaa muddo 22-sano ka hor ah ku dhawaaqday inay Somalia inteeda kale ka go’day, inkastoo aysan weli helin wax aqoonsi calaami ah, iyadoo ay jirto in dhawaan Somaliland ciidamadeedu ay muddo kooban la wareegeen degmada Taleex ee gobolka Sool, taasoo ka careysiisay Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya