4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 30, 2014
Booliiska Magaalada Johannesburg oo Xiray Soomaali lagu Qabtay Jaad


Arbaco, Abriil 30, 2014 (HOL) — Laba qof oo Soomaali ah oo lagu qabtay Jaad ama Qaad ayaa lagu xiray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay sida ay sheegeen booliiska dalkaas.

Booliiska ayaa sheegay in jaadkan lagu qariyay boorso weyn lagana keenay dalka Itoobiya iyadoo la qabtay labadan Soomaalida ah oo aan jinsigooda la sheegin iyagoo doonaya inay jaadka geliyaan magaalada Johannesburg.

“Soomaalidan oo ahaa laba qof waxaan ka qabannay 8:00 aroornimo xilliga Koonfur Afrika, iyagoo wata boorso uu jaad ka buuxo,” ayuu yiri taliyaha booliiska Johannesburg, Weyne Minnaar.

Taliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in labada Soomaalida ah oo da’doodu kala ahayd: 30-jir iyo 32-jir ay wadeen jaad lacag badan ku fadhiya, ayna hadda ku xiran yihiin xabsiga magaalada Johannesburg.

“Marka la eego sharciga Koonfur Afrika jaadku waa daroogo mamnuuc ka ah in dalka lasoo geliyo lagana ganacsado,” ayuu taliyaha hadalkiisa ku daray, isagoo xusay inay labadan qof toddobadkan maxkamd soo taagi doonaan.

Dalka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihiin boqollaal kun oo Soomaali ah ayay noqonaysaa markii ugu horreysay oo lagu qabto dad Soomaaliyeed Jaad ay dalkaas geliyeen.

Booliisku ma sheegin magacyada labadan qof oo Soomaalida ah ee Jaadka lagu qabtay, iyadoo sidoo kale uusan taliyuhu sheegin xukunka ay mudan doonaan muwaadiniintan Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya