4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 30, 2014
WASIIRKA AMNIGA: Suuqyo hubka lagu kala iibsado ayaa Muqdisho ku yaalla


Arbaco, Abriil 30, 2014 (HOL) — Wasiirka Amnig Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed oo ka jawaabayay su’aalo ay xildhibaannada baarlamaanku shalay weydiiyeen ayaa sheegay in Muqdisho ay ku yaallaan suuqyo madoow oo lagu iibiyo hubka, balse ay dagaal kula jiraan.

Su’aashan oo uu weydiiyay mudne ka tirsan baarlamaanka ayaa ahayd wuxuu kala socdo suuqyo hubka dowladda lagu iibiyo oo ku yaalla Muqdisho isagoo sheegay inuusan jirin suuq si cad hubka loogu iibiyo, balse ay jiraan suuqyo madow oo qorsoodi ah oo hubka lagu kala iibsado ayna dagaal cad kula jiraan.

“Muqdisho waxaa ku yaalla suuqyo madow oo hubka lagu iibiyo, kuwaasoo si qarsoodi ah wax loogu kala gato, balse hay’adaha amniga ayaan farmay inay la dagaalamaan suuqyadaas, waana socdaa dagaalka lagu hayo,” ayuu yiri wsiirka.

Sidoo kle, kale wasiirka ayaa xusay in dadka hubka kala iibsanay ay yihiin kuwo kor iska yaqaan, qofka hubka laga iibinaya lagu heshiiyo meel uusan hub oolin, marka heshiiska la gaarana guryo ku dhow-dhow goobahaas laga soo siiyo hubka.

“Dadka hubka iibinaya ma ahan kuwo hub ku dhex haysta goobta ay markaa ku sugan yihiin, balse qofka ayay si hoose ula heshiiyaan, markaas kaddib ayay hubka kasoo siiyaan guryo ay ku qarsadeen, innaguna daba-gal ayaan ku haynnaa, xitaa meelaha qaarkood kaamirooyin qarsoon ayaan ku xirnay si aan ula soconno dadka hubka iibinaya,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa intaas ku daray inay jiraan dad lasoo qabtay iyagoo hub kala iiibsanaya, hubkiina ay kala wareegeen, balse ma uusan sheegin halka ay dadkaas ku dambeeyeen.

Hadalka wasiirka ayaa imaanayaa iyadoo xilliga meelo ka mid ah Muqdisho ay ka jiraan goobo hubka lagu kala iibsado, waxaana hubka la iibinaya ka mid ah kuwo aan horay loo isticmaalin.

Muqdisho ayaa waxaa horay uga jirtay suuqyo si cad hubka loogu kala iibisado, balse hadda suuqyadaas ma jiraan, waxaase weli jira goobo lagu kala iibsado hubka, kuwaasoo qarsoodi ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya