4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 29, 2014
Qaramada Midoobay oo shaacisay in weli ay muuqato Khatarta Al-shabaab


Talaado, Abriil 29, 2014 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sheegay in Xarakada Al-shabaab ay awood ahaan daciifeen, balse ay sii korortay khatartooda dhinaca amniga ah.

Danjire Kay ayaa daboolka ka rogay in ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ay guulo la taaban karo ka gareen dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab.

“Al-shabaab awood ahaan hoos ayay u dhaceen, laakiin khatartooda way sii siyaadday, waayo waxay adeegsanayaan xeelado argigixiso oo aad khatar u ah,” ayuu yiri danjire Nicholas Kay.

Sidoo kale, ergayga Qaramada Midooabay ayaa xusay in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al-shabaab kala wareegeen 11 magaalo oo ku kal yaalla gobollo kala duwan oo Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla, isagoo tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab uu marayo halkii ugu wanaagsanayd tan iyo sannadkii 2007-dii oo AMISOM ay ka howl-billowday gudaha Soomaaliya.

Danjire Kay ayaa xusay in Al-shabaab ay heleen hub iyo waxyaabo kale oo qarxa si ay ugu adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya, ciidamada AMISOM iyo caalamka, isagoo intaas ku daray in Al-shabaab ay ku tahay khatar amniga iyo xasiloonida caalamka oo dhan.

Nick Kay ayaa hadalkiisan kusoo beegay xilli uu dhawaan sheegay in haddii ay sii socdaan weerarrada iyo dilalka ay Al-shabaab ka geysanayso Muqdisho ay dhici karto in shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo shaqaalaha caalamiga ee Soomaaliya ka howlgala ay isaga baxaan dalka.

Al-shabaab ayaa sheegatay dilal qorsheysan oo dhawaan Muqdisho loogu kala geystay laba xildhibaan oo baarlamaanka Somalia ka tirsan iyo dhaawac loo geystay xildhibaan kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya