4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 29, 2014
Dad Rayid ah oo ku Dhintay Qarax Maanta ka dhacay Deegaanka Dhabbad

Talaado, Abriil 29, 2014 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, shan kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii gaari ay dadkani saarnaayeen ay miino kula qaraxday deegaanka Dhabad ee gobolka Galguduud.

Dadka qaraxan ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa milkiilihii gaariga oo xilligaas darawalka gaariga ahaa, iyadoo gaariga ay miinadu la qaraxday uu ahaa kuwa rakaabka qaada ee Mini-bus-ka ah loona yaqaan HOMMY-da.

Guddoomiyaha deegaanka Dhabad, Aadan C/nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in miinadu ay ahayd mid hore loogu aasay halkaas, isagoo ku sheegay xilliga lagu aasay inay ahayd markii uu socday dagaalkii Somalia iyo Itoobiya dhexmaray sannadkii 1977-kii.

“Baabuurku wuxuu ahaa mid dad rakaab ah waday, waxaana miinada la qaraxday ay ahayd mid goobtaas lagu aasay intii ay socdeen dagaalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayuu yiri Aadan C/nuur.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in dhaawacyadii qaraxaas miino ka dhashay loo qaaday isbitaalka Dhabbad si loogu daweeyo, isagoo xusay inay dhacdadan oo kale dhowr jeer oo hore ka dhacday deegaanka.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay meel 4-km u jirta Dhabbad, iyadoo dadkii ku dhintay qaraxaas isla maanta lagu aasay deegaanka Dhabbad ee gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha degmadu ma sheegin halka uu gaariga ka yimid iyo halka uu ku socday, balse deegaanka Dhabbad ayaa waxaa mara gaadiidka u kala goosha gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya