4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 29, 2014
Booliiska Kenya oo Shaaciyay Kooxihii Fuliyay Dilkii Sheekh Cabuud Rogo

Talaado, Abriil 29, 2014 (HOL) — Booliiska Mombasa ee baaritaan ku hayay ciddii ka dambeysay dilkii Shiikh Cabuud Rogo loogu geystay isla magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa shaaciyay kooxihii dilkaas fuliyay.

Saraakiisha booliiska Kenya ee baaritaanka waday ayaa sheegay in dilkaas ay geysteen kooxo Carab ah ama Israa’iiliyiin ah, balse ma sheegin cid ay xiriir la leeyihiin kooxahan.

Booliiska oo soo xiganaya goob-joogayaal ayaa sheegay in kooxihii dilkaas ka dambeeyay ay u muuqaalkoodu u ekaayeen dad Carab ah ama Yahuud ah; kuwaasoo aanay sheegin goob ay hadda ku sugan yihiin.

Wadaadkan ayaa wuxuu ahaa mid mayal-adag loogana bartay in masaajidda uu ka jeediyo qudbado la xariira jihaadka, iyadoo marar badan dalalka reer galbeedka iyo Kenya ay ku edeeyeen inuu askar u qaro ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.

Sheekh Cabuud Rogo ayaa 27-kii Ogoosto 2012, waxay kooxa hubaysan ku dileen gudaha Mombasa, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay xaaskiisa oo la socotay, taasoo keentay in muslimiinta ku nool magaaladaasi ay dilkaas ku eedeeyeen booliiska Kenya.

Madaxa Imaamyada dalka Kenya ayaa bishan horraanteedii xukuumadda ka dalbaday inay caddeyso ciddii dilka Sheekh Rogo ka dambeysay, iyagoo ka digay in tani keeni karto isku-dhac dhexmara muslimiinta iyo masiixiyiinta dalkaas kuwada nool.

Inkastoo booliisku ay sheegeen in dad shisheeye ah ay ka dambeeyeen dilka wadaadkan ayaa waxaan la ogeyn sid ay muslimiinta Kenya ugu qanci karaan hadalkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya