4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 29, 2014
MADAXWEYNAHA SOMALIA: “Mashaariicda dib u dhiska waxay saldhig u yihiin Horumarka Dalka” (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 29, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta kormeeray xarumo cusub oo lagu horumarinayo dalka, kuwaasoo ay dowladda Imaraadka Carabta ka hirgelineyso Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay la socdaan taliyeyaasha ciidnka Millateriga iyo nabad-sugidda iyo safiirka Imraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa tagay xarun cusub oo lagu tababari doono ciidamadda xooga dalka oo ay Imaraadku dhisayaan.

Xarunta cusub ayaa markiiba waxaa tababar ku qaadan kara 1200 oo askari oo leh, jiifkooda, xarun waxbarasho, goobo lagu cunteeyo, masaajid, meel gaar ah oo ay ciidamada dabrid ku sameyn karaan iyo xarun caafimaad.

Madaxweynaha ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa la hadlay boqolaal ka mid ah shaqaalaha Soomaaliyeed ee dhismaha xarunta cusub isagoo yiri: “Mashaariicda horumarineed ee dalka ka socota waa billow, kuwa ka waa-weyn ayaa soo socda oo aan doonayno inay dad badan shaqo ka helaan si shaqo la’aanta meesha uga baxdo, idinku hadda fursad shaqo ayaad ka hesheen dhismahan aad waddaan waana qayb ka mid ah horumarka dalka.”

Sidoo kale, madaxweynaha kormeeray isbitaal cusub oo Imaaraadka ay ka hirgelinayaan degmadda C/Casiis ee gobolka Banaadir, isagoo uga mahad-celiyay dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxa mashaariicda dowladda Imaraadka ay ka waddo dalka, Cabdul-xamiid Xaamid Suleymaan ayaa uga warbixiyay madaxweynaha maashaariicdan horumarineed ayaa sheegay in isbitaalka maalintii uu la tacaali karo 500 oo qof oo bukaan ah.

Isbitaalka iyo xarunta tababarka ciidamada xoogga ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan sagaal milyan oo doollarka Mareykanka ah, waxayna dib u howl-billaabi doonaan labada xarumoodaba muddo afar bilood gudood ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya