4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 29, 2014
Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo
Talaado, April 29, 2014(HOL) :- Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Neil Wigan ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo kulan la qaatay madaxda ugu sareeysa ee maamulka Jubbaland.

Masuuliyiintani ayaa waxa garoonka kusoo dhaweeyay madaxweeynaha Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam iyo masuliyiin kale oo ka tirsan maamulka, waxayna intaasi kadib kulan la qaateen madaxweeynaha Jubbaland iyo qaar kamid ah odoyaasha deegaanka.

Madaxweeynaha Jubbaland ayaa warbixin kooban ka siiyay wafdiga xaaladda magaalada Kismaayo, isagoona ka codsaday in dowladda Ingiriisku ay gacan ka siiso dhinacyada dib u dhiska iyo horumarinta deegaanada Jubooyinka.

Mark Lowcock oo kamid ah xoghayna arimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in dowladooda ay garab taagantahay maamulka Jubbaland, isagoo xusay in hore gacan uga geysteen dib u dhiska garoonka kubadda cagta Kismaayo iyo leerarka ku shaqeeya cadceeda ee laga hirgeliyay wadooyinka magaalada, isagoo xusay in ay sii wadi doonaan barnaamijta dhanka horumarka ee ay ka wadaa Jubooyinka.

Madaxweeynaha maamulka Jubba Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wafdiga ay kawada hadleen arimo badan oo dan u ah guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku dhaqan Jubooyinka, wuxuuna xusay in ay ballan qaadeen in barnaamijyo dhanka horumarka ay ka fulin doonaan gobollada Jubooyinka.

Dhinaca kale,  waxaa isla maanta magaalada Kismaayo soo gaaray Qunsul cusub oo dowladda Kenya ay usoo magacoowday Jubooyinka kaaso lagu magacaabo Hillary Yengu, waxaana masuulkani garoonka kusoo dhaweeyay madaxweeynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Qunsulka cusub oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dooneeyso in ay sii adkeeyso xirirka kala dhexeeyo maamulka Jubbaland, wuxuuna xusay in dhawaan ay xafiis ka furan doonaan gudaha magaalada Kismaayo.

 
............
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.