4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 29, 2014
Shirweynihii Xisbiga KULMIYE oo soo Dhammaaday iyo Hogaan la Doortay


Talaado, Abriil 29, 2014 (HOL) — Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga muxaafadka ah ee kulmiye, ayaa maanta lagu doortay hogaankii shanta sanno ee soo socda waddi doonna.

Waxaana shirweynihiii maanta ka soo qaybgallay 1131 ergay waxaana maqnaa 31 ergay, kuwaas oo dib u doortay hogaankii hore ee xisbiga gudoomiye, afar ku xigeen iyo xoghaye guud, waxaanay codeyntu u dhacday sidan Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye waxa loo doortay Muuse Biixi Cabdi,waxaanu helay caqlabiyadda codka oo dhamayd 1131,  halka Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye loo doortay Maxamed Kaahin Axmed oo ay u codeeyeen 1127  waxaana diiday 4 ergay,  gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga waxa loo doortay Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo helay codad dhan 1095  waxaana diiday 36 ergay, gudoomiye ku xigeenka sadeexaad ee xisbiga Kulmiye waxa loo doortay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo helay codadka ergayda oo dhan 1115, halka   Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle loo doortay gudoomiye ku xigeenka afraad oo uu helay 1124, halka xoghayaha guud ee xisbiga  loo doortay Xasan Siciid Yuusuf oo helay codad dhan 1118.

Doorashadan ayaa u muuqday in dibadda lagu sii dhameeyey, isla markaana dadkii hore u shaaciyey inay sharaxan yihiin ay madasha shirku ka socdo ka tanaasulay, waxaana ka mid ahaa dadkii tanaasulay Dr:Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto) Oo Markii Hore Isku Soo Taagay Musharaxnimada Jagada Guddoomiye Ku Xiggeenka Labaad Ee Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inuu u tanaasulay Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye Oo Isagu Hore U Ahaa Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad  Ee Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye, waxa iyaduna shirka dhexdiisa ka tanaasushay Sahra Maxamed Guuleed (Sahra Basbaaso)  oo iyaduna u sharaxnayd  Jagadda Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye waxaana ay halkaa ka cadaysay in ay jagadaasi uga Tanaasushay Xasan Siciid Yuusuf Oo Ahaa Xoghayihii Guud Ee Hore Ee Xisbiga Kulmiye. . sidoo kale, waxa dib loo doortay golaha dhexe iyo golaha fulinta ee xisbiga oo la sheegay in la balaadhinayo laguna darayo boqol qof oo kale maadaama oo siyaasiyiin badani ku soo biireen.

Guddoomiyaha cusub ee xisbiga loo doortay Muuse Biixi Cabdi ayaa ergooyinkii codka siiyey u mahad celiyey inay dib usoo doortaan, isla markaana xil weyn u xambaariyeen, isagoo sheegay in sababta dib loogu doortay tahay mudadii ay hogaanka ahaayeen waxqabadkooddii iyo sida ay hawsha xisbiga u wadaan oo ay ergooyinku u bogeen.

Shirweynahan ayaa laga cabsi qabay inuu khilaaf kala jabiya xisbiga ka dilaaco, haseyeeshee wixii khilaaf ahaa ee jiray waxa lagu soo dhameeyey dibadda, isla markaana waxa shirweynaha la iskugu yimid dadkii oo heshiish wada ah, inkastoo markii hore ay isku dhaceen madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha, haseyeeshee masuuliyiinta xisbiga ayaa markiiba dhameeyey khilaafkii dhexdoodda soo dhexgallay.

Shirweynahan oo shantii sannaba mar la qabto ayaa shalay ka furmay magaaladda Hargeysa, waxaana loogu tallogalay muddo laba cisho ah inuu socdo, taas oo maanta la soo xidhay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland