4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 29, 2014
Garoowe: wejiga 3aad ee gurmadka roobabkii qabowga watey oo la bilaabay

Talaado, Abriil 29, 2014 (HOL) — Guddi culimaa'uddin u badan oo loo xilsaaray taakuleynta dadkii ay saameeyeen roobabkii qabowga watey ee sannadkii hore dabayaaqadiisii ka da'ay dhowr gobol oo Puntland ka tirsan, ayaa maanta bilaabay wejiga saddexaad ee gurmadka oo diiradda lagu saarayo dhanka waxbarashada.

Guddoomiyaha guddiga Sheekh Maxamuud Xaaji Yusuf ahna hormuudka Jaamacadda Bariga Afrika qaybteeda magaalada Garoowe, ayaa maanta magaalada Garoowe shir-jaraa'id ku qabtay.

Wuxuuna shirkaas jaraa'id ka sheegay in macallimiin loo diri doono deegaanadii ay roobabku saameeyeen, macallimiintaas oo dadka muddo labo sano ah bari doona aqoonta diiniga ah iyo weliba tan maadiga.

Madaxa xafiiska Mu'asasada Al-minhaaj ee gobolka Nugaal Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax oo isna shirkaas jaraa'id ka hadlay, ayaa sheegay in Mu'asasada Al-minhaaj loo xilsaaray fulinta wajiga saddexaad ee gurmadka oo noqonaya waxbarista dadkii ay roobabku saameeyeen.

Sheekh Mukhtaar ayaa sidoo kale sheegay in deegaannada ugu horreeya ee macallimiinta loo diri doono ay kamid yihiin: Uus-gure, Sin-u-jiif, degmada Dan-gorayo iyo deegaano kale oo isla degmadaas hoos taga.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Saleebaan Maxamed Jaamac oo kamid ah bareyaasha deegaannada kor ku xusan loo diri doono, ayaa isna ka warbixiyey dareenkiisa arrintaas ku aaddan, wuxuuna sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay in diinta iyo Kitaabka Eebe uu dadka baro.

Bartamihii bishii November ee sannadkii hore [2013] ayey ahayd markii roobab qabow wata oo ka da'ay gobollada Nugaal, Karkaar iyo Gardafuuy ay geysteen khasaare baaxad leh. In ka badan 100 qof oo reer-guuraa u badnaa ayaa roobabkaas ku geeriyoodey iyo weliba kumannaan xoolo iyo duur-joog ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya