4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 29, 2014
Dagaal Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Gedo

Talaado, Abriil 29, 2014 (HOL) — Ciidamada Somalia iyo kuwa Kenya oo dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa maanta ku dagaalamay degaanka Ceel-cadde oo 90-km u jirta magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerareen saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee AMISOM ka tirsan ku leeyihiin deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo; iyadoo dagaalka uu dhaliya khasaare nafeed.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen askar iyo saraakiil ka kala tirsan labada dhinac; kuwaasoo uu ka mid ahaa taliyihii ciidamada dowladda ee deegaanka Ceel-cadde oo lagu magacaabi jiray Mahad Qojof.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al-shabaab ay dagaalka ku dhinteen, inkastoo aan la ogeyn inta ay le’eg yihiin, waxaana dagaalkan uu socday muddo saacado ah.

Ma jiro hadal ku aaddan dagaalka maanta dhacay oo kasoo baxay dowladda iyo Al-shabaab, sidoo kalena ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Kenya oo dagaalka ku aaddan.

Dagaalkan ayaa wuxu qayb ka noqonayaa dagaallo horay ugu dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo iyo kuwa ka socda dalalka dariska ah ee AMISOM ka tirsan oo ka dhacay gobolka Gedo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya