4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 29, 2014
GOODAX: Amni-xumo ayaa Gargaarka loo Gaarsiin la'yahay Goobihii laga...

Talaado, Abriil 29, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somalia, C/llaahi  Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday  in sababo ammaan awgood ay u gaarsiin la’yihiin gargaar bini’aadamnimada deegaannadii laga saaray Al-shabaab.

C/llaahi  Goodax ayaa sheegay in raashin ku filin dadkaas ay hayaan hase ahaatee aysan awoodin inay gaarsiiyeen deegaannadii iyo degmooyinka dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

“Inkastoo aanu hayno raashiin ku filin dadka deegaannadii Al-shabaab laga saaray; hadana waxaa jira sababo ku aaddan dhanka amniga taasoo aan ku awoodi weynay inaanu geyno mucaawino,” ayuu yiri wasiirka oo maanta markii labaad hor-tagay xidhibaannada baarlamaanka Soomaaliya

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha, C/llaahi Goodax ayaa xusay in deegaanno ka tirsan gobollada dalka laga soo sheegayo biyo la’aan iyo abaaro soo wajahay dadka halkaas ku nool; isagoona xusay in qaarkood ay u dhinteen biyo la’aanta.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa xusay in xukuumadda ay hay’adaha samafalka kala hadli doonto qaabka ugu dhaqsiyaha badan ee gargaar loo geyn karo xarumaha laga saaray Al-shabaab.

Cabdullaahi Goodax ayaa hadalkiisa kusoo beegay iyadoo dhawaan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ay Al-shabaab ka cayriyeen deegaano iyo degmooyin dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo wasiirka Amniga Qaranka uu dhawaan sheegay in deegaannadii laga saaray Al-shabaab ay qaarkood yihiin kuwo go'doonsan, balse la qorsheynayo in waddooyinka deegaannadaas gala la nadiifiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya