4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 29, 2014
Boosaaso: booliska oo soo bandhigay 12 qof oo lagu soo eedeeyey qarax

Talaado, Abriil 29, 2014 (HOL) —
Booliska magaalada Boosaaso ayaa maanta soo bandhigay 12 qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab, dadkaas oo dhammaantood lagu soo qabqabtay howlgal ay xalay ciidamada boolisku sameeyeen.

Eedeysaneyaasha oo saddex kamid ahi ay dumar yihiin, waxaa lagu soo bandhigay Xarunta Taliska Booliska ee Boosaaso, waxaana goobta xilligaas ku sugnaa mas'uuliyiinta ugu sarreeya maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo saraakiisha ammaanka ee degmada.

Taliyaha booliska gobolka Bari C/raxmaan Cali Cabbaas (Muslim), ayaa sheegay in xalay magaalada laga maqlay qarax, qaraxaas oo aan khasaare geysan wuxuu ka dhacay goob sida uu tilmaamay lagu farsameynayey.

Boolisku ayuu taliyuhu sheegay in durbadiiba ay gaareen halka uu qaraxu ka dhacay, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen 12 qof oo qaarkood ay dhaawacyo fudud qabaan.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in dadkan baaritaan lagu sameyn doono, mudda kooban gudaheedna sharciga lagu horkeeni doono kuwa dembiga loo haystaa uu ku caddaado.


Waa howlgalkii ugu horreeyey oo sanadkan 2014 ay ciidamada ammaanku halmar tiro intaas le'eg oo dad ah -oo la sheegay in Ururka Al-shabaab ay ka tirsan yihiin- ay kusoo qabteen.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya