4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 29, 2014
GACMA-DHEERE: “Howllgalada Kenya ku qabqanayso Soomaalida waa mid..."

Talaado, Abriil 29, 2014 (HOL) — Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladdii KMG-ka ahayd ee Somalia, Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa sheegay in howl-gallada ciidamada dowladda Kenya ku qabqabanayaan Somalida ku nool Nairobi inay tahay mid dano siyaasadeed laga leeyahay.

Mudane Gacma-dheere ayaa ku sifeeyey arintan mid ka fog tahay sida ay Kenya u sheegayso oo ah inay ammaankeeda ku adkeynayso, wuxuuna arrin aad looga xusmaado ku tilmaamay in Soomaalida oo keliya la beegsado.

Sidoo kale, Gacma dheere ayaa xusay in dowladda Kenya ay doonayso barakacin ay ku sameyso shacabka Soomaaliyeed iyo ganacsatada magaalada Nairobi ku nool, kuwaasoo uu sheegay inay dhaqaalaha Kenya sare u qaadeen.

“Dowladda Kenya waxay ku xad-gudubtay darisnimadii iyo xuquuqdii Aadanuhu lahaa,  dhibaatada Soomaalida loo geysanayana ay tahay mid ujeeddooyin fog leh,” ayuu yiri Gacma-dheere.

Hadalka mas’uulkan horay uga tirsanaa dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya soo maray ayaa kusoo beegmaya xilli ay madaxda dowladda Somalia sheegeen inay tahay mid aan loo dulqaadan karin qab-qabashada lagu hayo Soomaalida Kenya ku nool.

Xukuumadda Somalia ayaa danjiraheeda u yeeratay toddobaadkan kaddib markii Jimcihii lasoo dhaafay ay ciidamada Kenya xabsiga dhigeen Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Siyaad Maxamuud Shirwac.

Madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo siyaabo kala duwan uga hadlay arrintan ayaa ku tilmaamay mid xad-gudub ku ah xeerarka dublamaasiyadeed ee caalamka, iyagoo ka dalbaday Kenya inay dhowrto xuquuqda Soomaalida dalkeeda ku nool.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa tan iyo horraantii bishan waxay wadeen howl-gallo ay ku qabqabteen in ka badan 4,000 oo qof oo Soomaali ah, kuwaasoo weli qaarkood ay ku xiran yihiin xabsiyada Nairobi, qaarkoodna dib loogu soo celiyay dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya