4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 29, 2014
Bayern Munich & Real Madrid oo caawa isaga horimaanayo semi-finalka UEFA


Talaado, Abriil 29, 2014 (HOL) — Kulankan oo noqon doona mid kamid ah kulamada ugu xiisaha badan ee asbuucan la ciyaarayo ayaa dhex -mari doona  kooxaha Bayern Munich iyo Real Madrid oo labaduba taariikho waa weyn ku leh hanashada koobkan,waxaana lagu ciyaari doonaa guriga Bayern ee Allianz Arena.

Kooxda shanta jeer heysata Champions League  ee  Bayern ayaa isku dayaysa inay noqoto kooxdii ugu horeysay ee labo sanno oo isku xigta ku guuleysata koobkaan tan iyo markii ay AC Milan sidaasi sameysay 1989-kii iyo 1990-kii.

Real-Madrid ayaa lagu wadaa in ay kulankan ku soo bilowdo Greth Bale oo kulankii hore aan wax badan ciyaarin,iyadoo sidoo kale uu Cristiano Ronaldo si buuxda uga soo kabsaday dhaawac uu muruqa ka qabay.

Lugtii hore ee kulankan waxaa Bayern looga soo badiyay hal gool oo ka dhigan in caawa ay fursad u haystaan guul ,iyadoo shaxdii lugti hore la sheegay in uu wax ka badali doono tababare Guardiola oo sanadkii ugu horeeyay laylinaya Bayern.

"Waxaan dareensanahay in kooxda aysan wali u soo bixin finalka, kulanka adag ayaan la ciyaari doonnaa Bayern, waana inaan weerarno hadana aan difaacano goosheena," ayuu yiri Bale o ka hadlayay ciyaarta caawa.

Ancelotti guuldarro marnaba kama soo gaarin intii uu ka horyimid kooxda Bayern Munich isagoo tababare ah, toodoba kulan oo kooxihiisa ay la ciyaareen Bayern waxa uu badiyay shan jeer waxaana uu barbaro la galay labo jeer.

"Franck waxa uu u ciyaaray si waali ah isbuucaan" ayuu yiri Guardiola. "Waa uu dagaalamaa oo hadana dagaalamaa, sababtaas darteedna dadka jooga Allainz Arena waa ay jecel yihiin"ayuu yiri tababaraha kooxda Bayern oo ammaan ballaaran kala dul-dhacay weeraryihankiisa  Ribery.

Haddii kulankan ay badiso kooxda Bayern waxa ay noqon doontaa kooxdii labaad oo seddex jeer oo isku xigta final gaarta hadii ay caawa ka soo badiyaan Real -Madrid ,waxaana kooxda Anclotti ay rikoor fiican ka haystaan guriga Arena.

Tashkiiladda ugu Macqulsan Caawa: Bayern Munich: Neuer; Lahm, Javi Martínez, Dante, Alaba; Schweinsteiger; Kroos, Robben, Ribéry, Müller; Mandzukic. Real Madrid: Casillas; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Alonso, Modric, Di María; Bale, Ronaldo, Benzema.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]