4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 29, 2014
Xiisad u dhexeysa Ciidamada Dowladda oo ka Taagan Degmada Balad-Xaawo

Talaado, Abriil 29, 2014 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Buula-xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo ka dhalatay ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo degmadaas gaaray.

Ciidamada gaaray Buulo-xaawo ayaa la sheegay inay ka yimaadeen degmada Dooloow ee isla gobolka Gedo, iyadoo laga cabsi qabo inuu dagaal dhexmaro ciidanka degmadaas gaaray iyo kuwii horay u joogay.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda eek u sugan Buulo-xaawo oo Nuur Aadan Rashiid lagu magacaabo ayaa sheegay in ciidamada degmadaas shalay ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo dhalin kara dagaal degmadaas ka dhaca.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray inay odayaasha deegaanku wadaan dadaallo ay ku doonayaan in dagaal uusan dhicin. Iyadoo horay ay degmadaas uga jirtay xiisad u dhexeysa maamullada degmooyinka Dooloow iyo Buulo-xaawo.

Xiisada colaadeed ee ka taagan Buulo-Xaawo ayaa la sheegayaa in haddii ay ku guuleysan waayaan odayaashu dadaallada ay xiisadda ku qaboojinayaan inay dhici karto in dagaallo ay dhexmaraan ciidamada halkaas gaaray iyo kuwii horay u joogay.

Degmada Balad-xaawo ayaa waxay ku taallaa Koonfurta fog ee Somalia, iyadoo isku xirta dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya, waxaana degmadan dhawaan lagu dilay oday dhaqameed waday dadaallo nabadeed, kaasoo dilkiisa lagu eedeeyay ciidammo ka yimid Dooloow.

Xukuumadda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin xiisadaha ka taagan degmadaasa oo ka mid ah degmooyinka ay gacanta ku hayso, waxaana dadka deegaanku ay sheegayaan inay baqdin qabaan in xaaladdu ay faraha ka baxdo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya