4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 29, 2014
SH. XASAN YACQUUB: "Ciidamada ku sugan Ceelbuur go'doon ayay ku jiraan"

Talaado, Abriil 29, 2014 (HOL) — Al-shabaab ayaa sheegtay in weli ay ku hareeraysan tahay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, halkaasoo bishii lasoo dhaafay ay kala wareegeen ciidamada Itoobiya ee ka mid ah AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarro culus la beegsato saldhigyada ciidanku ku leeyihiin degmada Ceelbuur, iyagoo intaas ku daray nay khasaare kala duwan ugu geysteen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee degmadaas ku sugan.

Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ah mas'uulka Al-shabaab ee gobolka Gal-guduud ayaa sheegay in dagaallo ay weli ku hayaan ciidamada Ceelbuur qabsaday, isagoo xusay in degmadu ay weli tahay mid go'doosan oo aysan geli karin saadka u socda ciidamada ku sugan gudaha degmadaas.

"Ciidamada kus ugan Ceelbuur uma imaan karo saad, waa lagu hareereysan yahay, markii ay raashin u baahdaan waxay noqonaysaa inay waayaan tiro ka mid ah ciidamadooda iyo gaadiidkooda, sidaas ayay u dhiban yihiin, dagaalladuna waa kusii socdaan," ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Dadweynihii ku noolaa degmada Ceelbuur ayaa horay uga barakacay, iyadoo gudaha degmadaas ay ku sugan yihiin oo keliya dad yar iyo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ka tirsan, iyadoo xoogagga ka tirsan Al-shabaab ay ku sugan yihiin daafaha degmada.

Hadalka Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya iyadoo wasiirka Amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed uu qiray shalay inay jiraan deegaanno ka tirsan kuwii Al-shabaab laga qabsaday oo weli go'doon ah, balse ay socdaan qorshayaal lagu doonayo in waddooyinkaas lagu furo ayna noqdaan kuwo aamin ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya