4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 29, 2014
Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sudan
Talaado, Abriil 29, 2014 (HOL) —Wasiirka gaashaan-dhigga ee Soomaaliya oo isaga iyo wafdi uu horkacayaa ay maalmihii u dambeey dalka Sudan booqasho ku joogeen, ayaa kulan la qaatay jaaliyadda iyo ardeyda Soomaaliyeed ee dalkaas wax ka barta.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ahaa safiirka Dowladda Soomaaliya u jooga dalka Sudan Maxamed C/laahi Ugaas iyo saraakiil kale oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Khurduum.

Wasiirka gaashaan-dhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga warbixiyey jaaliyadda Soomaalida ee Sudan ku nool xaaladda uu xilligan dalku marayo iyo welibi isbedelladii ugu waaweynaa ee bilihii u dambeeyey ka dhacay.

Xaaladda dalka ayuu sheegay inay tahay mid aad u wanaagsan, isagoo intaas raaciyey in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is kaashanayaa ay deegaanno badan kala wareegeen Al-shabaab, xaaladda ammaankuna ay aad u wanaagsan tahay.

Ugu dambeyntii, wasiirku wuxuu ardeyda kula dardaarmay inay dadaal badan muujiyaan, maadaama dalkoodu uu si weyn baahi ugu baqo muhiimna ay tahay in la helo dhallinyaro aqoon leh oo hoggaanka dalka qayb weyn ka noqda.

Wasiirka Gaashaan-dhigga Soomaaliya iyo wafdigiisu labo maalmood kahor ayey dalka Sudan soo gaareen, kaddib markii uu casumaad rasmi ah u fidiyey Wasiirka Gaashaan-dhigga ee dalka Sudan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya