4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 29, 2014
Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay Xarigii Qunsulka Soomaaliya ee Kenya


Talaado, Abriil 29, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horreysay ka hadlay xariggii ay ciidamada booliiska dalka Kenya u geysteen Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Siyaad Maxamuud Shire, xarigaas oo mugdi geliyay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa arrintaas awgeed u yeertay danjiraheeda Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Ameerika si wax looga weydiiyo xariga Qunsulka iyo xaaladda xarigga lagu hayo Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

"Xariga Qunsulka waa mid aad uga xunnahay, waa mid nasiib-darro ah, waana kasoo hor-jeeda sharciyada iyo xeerarka dublamaasiyadeed ee caalamka, waa mid ka horimaanaya xiriirka labada dal, danjiraha waa u yeernay, warbixin ayuu naga siinayaa," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay inay wali ku jiraan warbixin uruurin ku saabasn falalka lagu hayo Soomaalida dalka Kenya ku nool iyo weliba xariga Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya; iyadoo markaas kaddib kala hadli doono xukuumadda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa wax jawaab ah ka bixin cabashada dowladda Somalia ee ku aaddan xarigii Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay u geysteen ciidamada ammaanka Kenya, taasoo mar keliya gilgishay gabi ahaan madaxda dowladda Soomaaliya ayna si adag uga hadleen.

Ciidamada Kenya ayaa tan iyo horraantii bishan waxay howlgallo lagu qabqabtay in ka badan 4,000 oo qof oo Soomaali ah ka sameeyeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kuwaasoo qaarkood dib loogu soo celiyay Muqdisho, halka kuwo kalena ay weli ku xiran yihiin xabiyada Nairobi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya