4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 28, 2014
Baarlamanka oo su’aalo weydiiyay Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Amniga

Isniin, Abriil 28, 2014 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar kale su’aalo weydiiyay maanta wasiirka amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, iyadoo sidoo kale su’aalo weydiinta maanta uu ka qaybgalay wasiirka arrimaha gudaha, C/llaahi Goodax Barre iyo taliyaha waaxda socdaalka, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Maxamed C/lla Cawad ayaa wasiirradan lagu weydiiyay su’aalo la xiriira ammaanka dalka iyo maamul u sameynta gobollada dalka.

Su’aal la xiriirtay odayaashii dhawaan lagu laayay duleedka degmada Buur-hakaba oo la weydiiyay wasiirka amniga Qaranka ayuu kaga jawaabay: “Guddi sare ayaa loo saaray baaritaanka dhacdadaas, waxaana natiijooyinkii hordhaca ahaa ee kasoo baxay ay sheegay in arrintan ay ahayd arrin farqo badan oo dhinac ka mid ah lagu sheegay inay Al-shabaab ku lug lahayd dhinac kalena ay lugta la gashay arrimo kale.”

Taliyaha laanta socdaalka, Jen. Gaafoow oo isna la weydiiyay su’aal la xiriirtay dhaqan-gelinta go’aankii baarlamaanka Soomaaliya uu mamnuucay qaadashada warqadaha aqoonsiga ayaa sheegay in howshaas ay tahay sidii uu baarlamaanku u joojiyay, laakiin waxaa jirta in dadkii horay lacagaha u dhiibtay ay warqadahii siiyeen, balse aysan jirin cid kale oo ay u direen xaruntaas.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax oo isna la weydiiyay dhowr su’aalo la xiriira abaaraha ka jira gobollada dalka qaarkood iyo dhaqangelinta sharcigii maamul u sameynta gobollada dalka ee baarlamaanku uu horay u meel mariyay.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa si gaar ah uga jawaabay su’aasha la xiriirtay maamul u sameynta dalka isagoo yiri: “Waxaan rabaa in xildhibaannadu ay arrintan hoosta ka xariiqaan, sharciga tilmaan cad kaga bixin sida maamullo loogu sameynayo, waxaana wasaaraddu u laabatay shuruucdii hore ee dalka ee lasoo saaray sannadkii 1963-kii, kaasoo dhigaya in wasiirka arimaha uu awood u leeyahay inuu magacaabo maamullada gobollada dalka iyo degmooyinka, kaas ayaana lagu magacaabay maamullo KMG ah oo gaarsiinaya inta sharciga lagu caddeynayo habka maamul sameynta deegaannadaas.”

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha ayaa xildhibaannada hortooda ammaan uga soo jeediyay guddoomiyeyaashii degmooyinka ee xilalka laga qaaday oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen halyeeyo howlkar ah.

Berri ayay xildhibaannada baarlamaanku sii ambaqaadi doonaan su’aalaha kala duwan ee la weydiinayo wasiirrada amniga Qaranka iyo arrimaha gudaha, iyadoo guddoonku uu sheegay inay u harsan yihiin 50-su’aalood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya