4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 28, 2014
SIILAANYO: Taako ka mid ah Xuduudaha Somaliland cidna uma ogolaanayno


Isniin, Abriil 28, 2014 (HOL) — Xisbiga muxaafadka ah ee kulmiye ayaa maanta si rasmi ah u furmay shirweynihiisii saddaxaad ee xisbigaasi oo saddex jeer oo hore u qabsoomi waayey khilaaf dhexdiisa ka jiray.

Shirweynahan oo ay iskugu yimaadeen 1162 Ergay oo ka kala socda goboladda iyo degmooyinka Somaliland iyo shan boqol oo marti sharaf, ayaa waxa furay gudoomiyaha xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi, waxa furitaankii xisbigaasi ka soo qaybgallay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo labadda xisbi mucaarad.

Guddoomiyaha guddida Qabanqaabadda xisbiga Abokor Xaamud Jibriil ayaa ka sheekeeyey marxaladdii ay la soo martay qabanqaabadda shirweynaha iyo culayskii hawshaasi loo igmaday, waxaanu illaahay uga mahad naqay sida wanaagsan ee ugu soo dhamaatay.

Guddidda Qabanqaabadda xisbiga KULMIYE ayaa xilkii ku wareejiyey shirgudoonka labadda cisho waddi doonta shirweynaha, kuwaas oo ay ergooyinku cod aqlabiyada ah ku aqballeen xubnaha la soo xulay, waxaana gudoomiye loogu dortay Axmed Xaaji Cadami wasiirka Gaashaandhiga Somaliland inuu noqdo shirgudoonka shirka, waxaana ku xigeen looga dhigay Maxamed Cabdilaahi Cumar wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga.

In taas ka dib waxa lagu soo dhoweeyey gudoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo ka sheekeeyey marxaladihii ay Somaliland soo martay iyo wakhtigan halka la marayso, sidoo kale waxa uu ka hadlay khilaafka xisbiga ee markasta lagu sheego, isagoo xusay in marka hawl la qabanayo in lagu kala aragti duwanaado balse ugu dambayn si fiican ugu dhamaato.

Madaxweynaha Somalilnad Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa isna shirweynaha ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, waxaanu ka hadlay waxqabadkii xukuumadda kulmiye afartii sanno ee ay xilka haysay, xuduuddaha iyo mustaqbalka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in wakhtigii uu mucaaradka ahaa shacabka u balanqaaday inuu wax ka qaban doono arrimo badan oo ay ka mid yihiin  Aqoonsi raadinta Qarannimada Somaliland iyo Siyaasada Arrimaha Dibedda, Horumarinta Garsoorka iyo Hagaajinta Nidaamka Cadaaladda, Nabadgelyada Iyo Difaaca Qaranka, Kobcinta iyo Kor u qaadida Waxbarashada iyo Caafimaadka,  Xoojinta Wax-soosaarka, Dalaga Beeraha iyo Biyaha, Illaalinta Deegaanka iyo daryeelka xoolaha. Kobcinta Dhaqaalaha iyo Dhiirigelinta Ganacsiga, Dhismayaasha Xafiisyada Dawlada, Maddaarada iyo Horumarinta waddooyinka, Shaqo Abuurka iyo Dhiirigelinta Dhalinyarada, Tixgelinta iyo kor u qaadida Waxbarashada iyo shaqo-siinta Dadka la hayb-sooco dhamaantood uu sheegay inuu wax ka qabteen xisbigooddu.

“Waxaanu dardar gelinay kobcintii dhaqaalaha, iyadoo miisaaniyadii aan xilka kula wareegay ahayd 2010= $44,000,000 US Dollar, Ayaanu gaadhsiinay sanadkii 2011= $86,000,000 US Dollar, sanadkii ku xigay ee 2012 waxaanu gaadhsiinay= $106,000,000 US Dollar, sanadkan 2013 waxaanu gaadhsiinay  $125,000,000 US Dollar, sanadkan 2014 waxay maraysaa $152,000,000 US Dollar, Waxaad dareemi kartaan faraqa u dhexeeya maalintii aanu la wareegnay iyo maanta $44,000,000 -- $152,000,000”ayuu yidhi madaxweynaha oo is barbar dhigay miisaaniyadii ay ugu yimaadeen iyo halka ay maanta marayso.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay arrimaha Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Soomaaliya inay noqdaan dad walaalo ah oo jaar ah balse aanay noqon laba dal oo jaar ah oo colaad isku haya, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Dawlada Somalia, dadka Somaliland waa tashaday, Waxay lasoo noqdeen madax-banaanidoodii, diyaar uma aha midnimadii Somaliweyn idiin-mana soo socdaan. Walaalayaal hadday innaga xumaatay walaalo midoobaa, yaanay inaga xumaanin wallaalo is dhawrta, is-kaashada oo is-ixtiraama”.

Wuuxu intaas ku daray: “Waxaanu ku baaqaynaa nabad, waxaanu ku baaqaynaa jaarnimo-wanaagsan iyo iskaashi wallaalnimo ku-dhisan, dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho umana baahna mandaqadani maanta. Waxaan leeyahay xuduudaha Somaliland mugdi ka ma jiro, taako, dhudhun iyo tallaabo toona kama ogolin cidna gorgortan kala gelimayno, waxay ku dhisanyihiin sharci, hadiise nalagu soo xadgudbo waxaanu u leenahay awood aanu ku diffaacno”.

Dhinaca kale, madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici ayaa isaguna la sheegay inuu khilaaf jira awgeed dib uga dhacay wakhtigii shirka uu iman lahaa, isla markaana mar dambe ka soo qaybgallay, taas oo dibadda lagu soo xaliyey wixii jiray.

Siyaasiga Xasan Gaafaadhi oo hore u shaaciyey inuu yahay musharax gudoomiye ku xigeenka 1aad ayaa maanta ka tanaasulay rabitaankiisa hogaanka kulmiye uu ku doonayey, waxaanu sheegay inuu u tanaasulay gudoomiye ku xigeenka 1aad Maxamed Kaahin Axmed.

Shirweynahan ayaa maanta kusoo gabogabowday jawi degan, inkastoo aanay cabashaddu yarayn oo ay jiraan dad badan oo saluugsan sida ay hawshu u socoto iyo sida Ergooyinka loo qaybsaday.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland