4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 28, 2014
Booliiska Kenya oo Sheegay in Ciyaaryahan Kenyan uu Isku Qarxiyay Nairobi

Isniin, Abriil 28, 2014 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa shaaciyay in ruuxii waday gaari dhawaan ku qarxay albaabka hore ee saldhig Pangani ee magaalada Nairobi uu horey uga tirsanaa mid ka mid ah kooxda kubadda cagta ee KPL oo ka dhisan dalka Kenya.

Warka ay soo saareen booliiska ayay ku sheegeen in ruux hadda la tuhunsan yahay magaciisa la yiraahdo, Cabdul Haajara uu horay uga mid ahaa mid ka mid ah kooxaha horyaalka dalka Kenya oo ka dhisan deegaanka Majengo.

Cabdul Haajara ayaa gurigiisa laga waayay sannadkii 2010 waxaa ehelkiisu u sheegeen warbaahinta Kenya inay tuhmeen inuu Soomaaliya aaday uuna ku biiray Xarakadda Al-shabaab.

Aabbaha ciyaaryahankan hore ayaa u sheegay wargeyska The Standard ee Nairobi kasoo baxa Kenya in wiilkiisa ay ugu war-dambeysay sannadkii 2010-kii mar uu shahaadada Bachelor-ka qaatay.

Saxaafadda Kenya ayaa ku warramaya in Cabdul Haajara uu ahaa ruuxa waday gaarigii maalmo ka hor ku qarxay saldhigga booliis Pangani; kaasoo dhaliyay dhimashada afar qof oo laba ka mid ah ay yihiin booliiska Kenya.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in tiro badan oo dhallinyaro Kenyan ah ay ku biireen Al-shabaab, kuwaasoo ay sheegeen in qaarkood ay dib ugu soo laabteen Kenya si ay falal ammaan-darro ka geystaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya