4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 28, 2014
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo Maanta u Ambabaxay dalka Jabuuti

Isniin, Abriil 28, 2014 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaasoo ay kula kulmayaan madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda labada dal ayaa la sheegay inay ka wadahadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo kaalinta ay dowladda Jabuuti kaga jirto dib-u-soo celinta nabadda Soomaaliya.

Booqashadan ayaa waxay qayb ka tahay booqashooyin uu madaxweynuhu ugu ambabaxayay bilhii lasoo dhaafay dalalka Afrika iyo kuwa calaamka qaarkood, taas oo ku qotonta sidii Soomaaliya looga gacan-siin lahaa dib u dhiska iyo dib u soo celinta ammaanka.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaan la hadlin warbaahinta intii aysan ka dhoofin garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kusii sagootiyeen garoonka xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli looga hadlayo magaalada Baxar-daar ee dalka Itoobiya ammaanka Afrika, gaar ahaan dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Dalka Jabuuti ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay ka socdaan ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo gacan ka siinaya dowlada Somalia dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya