4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 28, 2014
Jen. Cabdi Qaybdiid oo Maanta Magacaabay Wasiirrada Maamulka Galmudug

Isniin, Abriil 28, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Galmudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)  ayaa maanta magacaabay golaha wasiirrada cusub ee maamulkiisa, kaddib markii uu dhawaan kala diray dhammaan wasiirradii hore ee maamulkaas.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in muddadan ay ku howlanaayeen qabashada araajida xubnaha doonaya inay ka mid noqdan wasiirrada cusub ee Galmudug.

“Maadaama aan horay u kala dirnayan wasiirrada; sida sharciga ahaydna muddo soddon maalin ah inaan kusoo magacaabo, waxaan maanta soo bandhigaynaa qayb ka mid ah wasiirrada Galmudug, waxaana ku dooranay tayadooda shaqo,” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xusay inuu dhawaan soo dhameysti doono gabi ahaan xubnaha wasiirrada, isagoona ugu baaqay wasiirrada la magacaabay inay kasoo dhalaalaan howlaha loo igmaday, isagoo u rajeeyay inay wax ka qabtaan xaaladaha ka jira deegaannada uu maamulkoodu ka arrimiyo.

Afhayeenka madaxtooyada Galmudug, Faysal ayaa inta kaddib saxaafadda u akhriyay wareegtada uu madaxweynaha Galmudug ku magacaabay wasiirrada cusub, kuwaasoo gaarayey 12-wasiir.

MAGACYADA WASIIRRADA LA MAGACAABAY:

01. Cowke Xaaji Cabdiraxmaan, Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda
02. Xarbi Cali Kulane, Wasiirka Iskaashiga iyo Xariirka Caalamka
03. Xareed Cali Xareed, Wasiirka kheyraadka
04. Xasan Faarax Barre, Wasiirka Arimaha Fedaraalka iyo dib-u-heeshiisiinta
05. Maxamed Cabdiqaadir Xaashi, Wasiirka Waxbarashada
06. Maxamed Aadan Qalab-xoor, Wasiirka kalluumeysiga
07. Axmed Shariif Cumar Maxamuud, Wasiirka Caafimaadka
08. Cabdi Yuusuf Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga
09. Xasan Maxamed Siciid Gacaliye, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha
10. Axmed Maxamuud Araxeey, Wasiirka Isboortiga, Shaqada iyo Shaqaalaha
11. Xasan Cabdiqaadir Xasan, Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta
12. Xasan Xaashi Warsame, Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska

Maamulka Galmudug ayaa tan iyo markii uu madaxweyne ka noqday, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxaa markii ugu horreysay la kala diray wasiirrada maamulka, wuxuuna sabab uga dhigay kala diristooda inay gudan waayen shaqadii loo igmaday.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya