4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 28, 2014
C/WELI SHEEKH: "Waxaan ka Walaacsannahay Xarigga Soomaalida Kenya"

Isniin, Abriil 28, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta Muqdisho kula kulmay danjiraha Somalia u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameerika, kaasoo Muqdisho yimid Axaddii shalay, kaddib markii ay u yeertay xukuumadda Soomaaliya si wax looga weydiiyo xaaladda Soomaalida ku nool Kenya.

Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa tan iyo horraantii bishan la kulmayay xarig ay u geysanayaan ciidamada ammaanka Kenya. Iyadoo howlgalladan ay yihiin kuwo ay ku sheegtay dowladda Kenya inay kula dagaalamayso argagaxisada, sidoo kale waxaa dadka xiray ka mid noqday qunsulka safaaradda Somalia ee Kenya, Siyaad Maxamuud Shire, taasoo ay xukuumaddu ku tilmaantay xad-gudub.

Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa tallaabadan lagu xiray qunsulka iyo shacabka Soomaaliyeed ee Nairobi ku tilmaamay mid xadugudub ah, iyadoo xukuumaddu ay u dirtay dowladda Kenya codsi ay kaga dalbanayso inay xaq-dhowrto xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee Kenya ku nool.

Kulanka ra’iisul wasaaruhu uu maanta la yeeshan dajiraha Soomaaliya ee Kenya ayaa daba socda kulan deg-deg ah oo ay golaha wasiirradu yeesheen maalintii Sabtida ahayd, kaasoo ay wasiirrada xukuumaddu kaga doodeen xaaladda ay ku sugan yihiin Soomaalida ku nool dalka Kenya.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay xarigga lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Kenya. Soomaalida tirade yar ee ku nool waa kuwo nabadda jecel, kuwaasoo qayb ka qaata dhaqaalaha Kenya,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Xukuumadda Somalia waxay xiriirro joogto ah kula jirtaa xukuumadda Kenya, kaasoo ku saabsan xarigga lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool, waxaana rajeynaynaa in dowladda Kenya ay sameyso dadaallo badan oo lagu difaacayo shacabka Soomaaliyeed ee aan dambiga lahayn.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkiisa raaciyay in xukuumadda Somalia ay baadi-goob ugu jirto inay mas’uuliyiinta xukuumadda Kenya jawaab ka bixiyaan xarigii loo geystay qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Siyaad Maxamuud Shire, taasoo xad-gudub weyn ku ah shaciyada dublamaasiyadda caalamka.

“Labada xukuumadood waxay wadaagaan walaaca dhinaca amniga ah, laakiinse sii socoshada xarigga lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxay horseedi kartaa in labada shacab ay kala go’aan,” ayuu C/weli Sheekh ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeya waa mid aad u xooggan, waana la soconnaa sida ay dowladda Kenya uga go’an tahay inay taageerto Soomaaliya, waxaana diyaar u wada-nahay inaan si wadajir ah uga wada-shaqeynno ammaanka labada Qaran iyo ka hortagga argagaxisada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya