4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 28, 2014
Dibadbax lagu Taageerayo Nabadda Maanta oo dhacay Kismaayo (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 28, 2014 (HOL) — Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo dilal qarsoodi ah oo ay geystaan kooxo aan heybtooda la garanayn ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoo sidoo kale mudaaharaadkan lagu taageerayay nabadda iyo is-dhex-galka bulshada.

Boqolaal ruux oo isugu jiray haween iyo dhallinyaro isugu jira ayaa socod dheer kusoo maray wadooyinka waaweyn ee Kismaayo iyagoo ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ku taageerayaan nabadda islamarkaana ay uga soo horjeedaan dilalka qarsoon ee ka dhaca magaalada Kismaayo.

Dadkan ayaa ku dhawaaqayay “Dooni Meeyno Nabad Diid”, Doono Meyno dilal qarsoon” iyo hadallo kale oo kuwaa lamid ah, waxaana dadkani ay siteen boorar ay ku xardhanyihiin hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen dareenkooda.

Haweenkan ayaa isugu tagay faagaraha weyn ee kasoo horjeeda shirkadda Olombik ee magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi saxaafadda kula hadlay gudoomiyaha ururka Haweenka Jubooyinka Marwo Batraan Muxumed C/dulle iyadoo sheegtay in dibadbaxani uu yahay mid ay uga soo horjeedaan dilalka qarsoon, iyadoo intaa ku dartay in sidoo kale ay taageerayaan nabadda iyo isu soo dhawaanshaha beelaha wada dega Jubooyinka.

“Kooxaha isqarinaya ee dadka leeynaya waan cambaareeyneynaa, waxay doonayaan in ay iska horkeenaan beelo walaalo ah, ma dooneeyno dagaal iyo xabad, waxaan rabnaa nabad,” ayay Marwo Batraan hadalkeedii raacisay.

Dhamaan haweenkii goobta ka hadlay ayaa si isku mida uga soo horjeestay kooxaha dilalka qarsoon ka geeysta Kismaayo, waxayna sidoo kale soo dhaweeyeen dadaallada nabadeed ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ka wado gobollada Jubooyinka kuwaasoo la isugu soo dhaweeynayo beelaha walaalaha ah ee wada dega Jubooyinka.

Mudaaharaadkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xalay kooxo hubeeysan oo aan heybtooda la aqoon ay xalay laba askari ku toogteen gudaha degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya