4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 28, 2014
Kulan looga hadlay Ammaanka oo Maanta lagu Qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 28, 2014 (HOL) — Kulan looga hadlayay ammaanka oo ay ka qayb-galeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, mas'uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir, odayaasha dhaqanka iyo ururrada haweenka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda wada-hadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa diiradda lagu saaray qaabka ugu haboon ee ururrada bulshada rayidka iyo hay'adaha amniga isaga kaashan karaan sugida ammaanka.

Iimaam Maxamed Yuusuf oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay hay'adda CCD sida ay ugu shaqeyso isku xirka iyo isu keenidda bulshada, sidii ay kaga tashan lahaayeen aayahooda.

Xildhibaanad Caasho Koos oo iyaduna kulanka ka hadashay ayaa tilmaamtay in nabadda ay tahay furaha nolosha, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka wada-shaqeeyaan amniga.

"Nabadda waa furaha nolosha, haddii aan nabad la helin dalkan ma degayo, waxaa laga rabaa in bulshada qaybaheeda kala duwan, sida haweenka, dhallinyarada iyo odayaasha ay ka shaqeeyaan amniga, hay'adaha ammaankana gacan ku siiyaan kuwa nabadda-diiddan in lasoo qabto oo bulshada dhexdeeda laga soo saaro," ayay tiri xildhibaanad Koos.

Waxay intaas ku dartay in la sameeyo wacyi-gelin; bulshada qaybaheeda kala duwanna ay sameeyaan isku imaatin, iyadoo xustay in amniga laga soo billaabo meesha ugu hooseysa si wax walba u hagaagaan.

"Haddii waaxda, laanta, tabeellaha, degmada iyo booliiska iska war qabaan mar walba waxaa dhismaya nabad, in la isku xirnaado si haya’daha ammaanka loola socod siiyo wax walba oo dhibaato abuuri kara, ayaa ammaanka lagu xaqiijin karaa, ayay xildhibaanaddu mar kale tiri.

Guddoomiyaha ururrada bulshada rayidka gobolka Banaadir, Muxiyadiin Xasan Afrax ayaa sheegay in Al-shabaab ay adeegsanayaan carruurta yar-yar, isagoo cadeeyay in caruurta laga wacyi-geliyo.

"Al-shabaab waxay adeegsanayaan carruurta yar-yar oo aan waxba galabsan iyagoo bambooyinka u soo dhiibaya, waa in bulshada ka hortagaan caruurtaas lana dhaqan-celiyo oo wax la baro," ayuu yiri Muxiyadiin Afrax.

Guddoomiyaha cusub ee degmada C/casiis, Cismaan Muxyadiin Cali oo ahaa guddoomiyihii u horreeyay ee loo magacaabay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo kulanka ka qaybgalay ayaa sheegay in mar walba ay u baahan yihiin wada-shaqeynta ururrada bulshada rayidka, isagoo ballan-qaaday inuu xiriir toos ah la sameynayo, isla markaana xafiis uu ka siinayo ururrada bulshada xarunta maamulka degmadiisa.

"Gobolka Banaadir wuxuu u baahan yahay ururrada bulshada; cidda la rabo waxyaabaha qarsoon ee amniga dhaawacaya inay wax ka qabataanna waa iyaga, waxaana diyaar u nahay inaan la shaqeynno haweenka oo door firfircoon ka qaata adkeynta nabadgalyada," ayuu yiri guddoomiyaha degmada C/casiis.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa hadallo ka jeediyay qaar ka mid ah xubnihii ka  socday ururradada bulshada rayidka ah, waxaana ka mid ahaa: Ruqiyo Cali Macallin iyo Sheekh Axmed Dheere oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay inay wada-shaqeeyaan bulshada iyo hay'adaha amniga si loo sugo ammaanka.

Ugu dambeyn, ka qayb-galayaashii kulanka ayaa loo qaybiyay dhowr qeybood iyagoo ka dooday qaabka ugu habboon ee lagu sugi karo ammaanka iyo sida ururrada bulshada ay kaalin uga qaadan karaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya